Waxa Meeshii Ugu Galay Cali Maxamed Warancadde!!!
Ma Deyrkii Xabaalaha Ayuu Tiyaatarkiina Ku Darsaday!!!
Xogtan Xaqiiqada Ku Qotanta Waxa inoo Soo Gudbiyey Qoraaga, Aqoonyahan Imaam Siciid Maxamuud Gahayr oo 10/10/14 Jimcihii Warbaahinta Dalka Inoo Soo Mariyey. Waxan Qoraaga Marti Uga Ahay Codsi Ogolaasho aan Falanqeyn iyo Taxliilu Rayi Caafimaad Qaba aan Ku Eego Xogtan Iyo Warbixinta. Waxan Xoog Uga Feejinaan Doonaa in aan Ku Xad Gudbo Cid aan Raad iyo Faro Gelin Ku Lahayn Arrinta Tiyaatarka!!! Waayo
Anigaa Midig iyo Bidix labadii Gacmood ah!!! Tiraba Saddex Jeer oo Hore ayaan Ku Soo Noqnoqday, Qormadan 4aad ee Maanta Waxan Farta ku Fiiqi Doonaaa, Cida Ka Danbeysa ee Qaskan iyo Fidnadan ka Dhex Wadda labadan Beelood ee Walaalaha ah,
Hordhac:
Sannadkii 2000 ayaan maalin Jimce ah tegay Suuqa Dhexe ee Hargeysa. Markii aan ka soo noqday ayaan arkay buuq ka jira Xabaalaha New Hargeysa. ”Nin jabhad ah ayaa qori la galay oo raba in uu xoog ku qaato jagada dhinaca Galbeed ka xigta MCH-ka Gacan-libaax. Magaciisana waxa la yidhaahdaa Habaar Waalid” ayaa la igu yidhi.
Waxa meeshii ugu galay Cali Maxamed Warancadde ”Miyaanu xabbadda ku dhufanayn” ayaan is-lahaa?. Shaw waa is-waal iyo xaajo kale. Inta uu qorigii dhigay ayuu soo raacay. Markii dambe waxa loo sameeyay sharciyad uu ku qaato ”Haddii uu Cawl Cilmi Cabdalle halkan i siin waayo waan tooganayaa, isaga ayaa wax ka dhimanaya” ayuu lahaa. Markiiba waxa uu ka iibiyay Maxamed Cabdi-dheere oo ahaa Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland.
Waxan Warbintan ku Ogaaday in Damaca Boobka Dhulka Tiyaatarku ay Soo Bilaabantay Sannadkii 2000 kii Sida Qoraalkan Ku Cad. Waxa Kale aan Tilmaami inta Qof ee Hawshan Maalinta Jimce 2000 iyo Inta Ku Lug lahayd iyo Sidii loo kale Hawlgalay:
1 ) Ninka Deyrkii Xabaalah New Hargeysa Qoriga la Galay ee Habaar Waalid la Yidhaahdo, Doorkiisuna
ahaa Argagixin, Budhadnimo, Waana Xiliyadii ugu Xumaa ee Dalka Soo Maray ee Sharci la’aanta!!!
Waxama Hadaladiisii Ka Mid ahaa ,,Haddii Cawl Cilmi Cabdalle Halkan I Siin Waayo Waan Tooganayaa, Isagaa Wax Ka Dhimanaaya,,.
2 ) Cali Maxaned Warancadde Ayaa Meeshii Ugu Galay!!! Falkaa Cali Warcadde iyo Dhiiranaantaasi, Waxay Caddeynaysaa Doorka uu ku lahaa Qorshaha la Rabay In Dhula Tiyaatarka lagu Boobo!!! Waxan Caddeeynta Qodobkaa aan la Cuskan Doonaa, Qaybta aan Ku Soo Gabagabeyn doono Qormadaydan. Waxa Qoraagu Is Yidhi ,, Waar Miyaanu Xabadda Ku Dhufaneyn,,!!!
3 ) Maxamed Cabdi-Dheere Wasiiirkii Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirke ee Hore Wuxu Jideeyey Dhac Hanti lagu Boobaayey Kolku Kalkaaliyey Tuuganimo, Isaga oo Masuul Qaran ah, Sifo aan Sharciga Waafaqsaneyn uu Ku Iibsaday Jagada Dhinaca Galbeed Ka Xiga MCH- ka Gacan Libaax.
4 ) Cawl Cilmi Cabdalle Duqii Casaamadda ee Hore, Waxan Kaalinta uu Qadyadan Kaga Soo leexday, Waxan u Arkaa Badbaado uu Naftiisa Ku Badbaadinaayey oo Cadaadis Culus lagu Saaray.
¤ Dib- U-Sheegashadii Dhulkii Tiyaatarka ee Sharciyeysnaa, Bilo Kolay Dhisneyd Xukuumaddii Dalka Hoggaankiisa Qabatay Dabayaaqadii 2010 kii iyo Raggii Dhaca iyo Boobka Hor Boodaysay iyo In Kale oo Ku Soo Biirtay Sida Ku Xusan Qoraalka, Hoos Ka Akrista :
Waxa la-yaab ah in uu maanta Suldaan Saleebaan (Boqor Cismaan) ku dooday in loo saxeexay meesha la dhigayo gawaadhida ee Tiyaatarka, waxa uu ka mid ahaa raggii diiddanaa in uu Maayar Jiciir siiyo oggolaansho halkan markii Siilaanyo talada qabtay. Waa xaajo la rabo in ay qudha isaga jaraan dad ehel ah oo uu macmalay nidaamka dalka ka jiraa. Ragga gacanta weyn ka geystay waxa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeye) iyo Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo aad mooddo in ay qallibayaan nidaamka ay ku jiraan. Waxa xus mudan in la sheegayo saami dadban oo uu ku leeyahay Cali Maxamed Warancadde oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland. Waxase si weyn u diiddan bulshada gobta ah ee Bariga Hargeysa, dhawr jeer oo ay la kulmeen dhallinyaro, waa lagu diiday in la taageero ”Waa dagaalkii Darroor oo kale” ayaa lagu yidhi.
Ayaan Darrada Foosha Xun ee aan laga Soo Waaqsanahayn ee Shacabkan Ku Habsatay, Waxa Ka Mid ah Nin Dhalinyaro ah oo Da’dii Dhexe Ku Jira, Fursad u Yeeshay in uu Ummad Madaxdeeda Qaran Ka Mid Noqodo, Wasiir, Agaasime, Xildhibaan iwm ah oo Wakhtiga iyo Nolosha Isku Soo Cidhiidhiya u Halabsaada oo Wax u Booba, Tern iyo Muddo Kordhin, Dhawr Sanno ah Ama Magacaabid ay Daba Socoto Xilku Waa Meerto, Una Muuqan Weydo Mustaqbal Fog oo Han iyo File Wacan oo uu Dhigtay.
Qadyadda Tiyaatarka oo Maraaxil Kala Duwan Soo Martay Kuna Siman 14 Sanno, Si Yaalo Badan loo Huriyey in Dadka la Iskugu Dilo, Una Arko Gariimad Xun Kii la igu Sheegana ama aan Ku Arkana aan u Arko Mujrim, Waxa Caawa I Damqay oo List kan I Hor Yaala Ku Jira, Nin Xidhiidh iyo Macrifad Weyni Naga Dhaxaysay oo Rayiga iyo Fikirka Toosan ee Dalka aanu Wada Wadaagi Jirnay. Xukuumaddii Ugu Horeysay ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ayaa Wasiir loo Magacaabay July, 2010 kii. Isla Saacaddii aan Maqlay ayaan Hanbalyo iyo Duco u Soo Diray. Habeenkii Dalka u Soo Dhoofayeyna Dardaaran Badan oo ilaa Imika aan Kelmad Kelmad u Xasuusnnahay, Ayaan Soo Faray. Sawir Wacan Wadaninimo, Waayo Aragnimo ayaan Ka Haystay, li ASafii Shadiid Caawa List ka ayuu Igu Jiraa Carabta ayaa Masal ku Tidhaahda ,, Cabdoo Qalad Fil Xisaab,,!!! Nasiib Darro.
Gabagabo:
Kolkan Ogaaday 14 Sanno Ka Hor Falkii Foosha Xumaa ee Ka Dhacay Deyrki Xabaalaha New Hargeysa ee Cali Maxamed Warancadde Meeshii Ninku Qoriga la Galay, Kolkaynu Warkeeda Hayno ama Qaarkeenba ay Goob Joog Ka Ahayn Munaasabadii Xaraf Hotel ay Ku Yeesheen December 2010 ee Mawqifka Mideysan Ku Gadheen, Markam Arkay Qoraalkii Sumad Laawe ee Xafiiska Maayarku uu Ku Sheegay in Wasiirka Arrimaha Guduha Amar iyo Fulin Ku Soo Bixiyey in Ganacsade Cumar Caydiid Ka Gurto Agabka ka Yaal Barxadda ( Car Parks), Kolkan Garwaaqsaday Xogta iyo Nuxurkan:
Waxa xus mudan in la sheegayo saami dadban oo uu ku leeyahay Cali Maxamed Warancadde oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland. Waxase si weyn u diiddan bulshada gobta ah ee Bariga Hargeysa, dhawr jeer oo ay la kulmeen dhallinyaro, waa lagu diiday in la taageero ”.
Go’aan:
Wakhti Dheer oo Baadhitaan iyo Xog Urursi aan Ugu Jiray Qadyadda Tiyaatarka, Waxan Is Weydiiyey Maanta oo Cali Maxamed Warancadde uu Yahay Wasiirkii Arrimaha Guduha JSL Maxaa Soo Celiyey Arrinkii Tiyaatarka Hargeysa ee Xulkii iyo Waxgaradka labada Beelood Afar Sanno Ka Hor ay Wanaag iyo Walaalnimada Ku Dhamasteen Dib u Soo Celiyey!!! Waxa Halkaa aan Ku Cadeynayaa Kolka intaas oo Qodob aan Soo Saafay in Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maanta iyo Isaga oo Xil Dawladeeed aan Haynba in uu Yahay Masuulka Kowaad ee Gardarada iyo Isku Dhufashada labada Belood Markasta Dabada Ka Riixaayey!!! Waa Digniim Final ah!!!.
Magaca Golaha Cuqaasha Beelaha Daa’ud Ismaaciil ( Cidagale ) aniga oo Ku Hadlaaya, Waxan Mahad uu Dirayaa Salaadiinta, Cuqaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Beesha Isxaaq Carre ee Dhulka, Dhalashada iyo Mawqifka Mideysan aanu Wadaagno .
Xasuus Reeb: Anigaa Midig iyo Bidix laba Gacmood ba ah.
Waxan Caawa Soo Gabagabeeyey Qoraaladaydii Taxanaha Ahaa ee Muddada aan Soo Waday.
Illaahay Baa Mahad leh
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika Sweden