“Waxa jira Rag Aniga iga horreeyey oo Baabuurtii ay Wateen la Wareegey…” Marag Furka Boobka Hantida Qaranka & Dooda Wakiilka Somaliland ee Jabuuti DAAWO
Jabuuti 01. October 2017 (SDN/QJ):- Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya magaalada Jabuuti ee Xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa ka hadlay caddeeyey inuu Safaaradda Somaliland ee Jabuuti ula wareegay Gaadhigii uu wadan jiray markii uu Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha ahaaa.
Gaadhigaas oo Noociisu Yahay TOYOTA BRADA, oo Wararku sheegeen inuu Safiirka Somaliland u fadhiya magaalada Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed si gaar ah ula wareegay, ayuu sheegay inaanu si gaar ah ula wareegin, balse uu Safaaradda u wareejiyey, ka dib markii ay u baahdeen Gaadiid, kuna wareejiyey Sifo Sharci ah, isaga oo soo bandhigay Waraaqo lagu wareejiyey iyo kuwo uu sheegay inay Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ku diiwaangelisay Lahaanshaha Gaadhigaas ee Safaaradda Somaliland ee Jabuuti.
“Waxa noo yimi saddex Agaasime iyo laba Wasiir, markaa gaadhi keliyi ma soo wada qaadi karo, waxa dhacday markaa waxa dhacday inaannu gaadiid badan u baahannay. Gaadhigii aan ku watay Wasaaradda Daakhiliga Hargeysa berigii aan Agaasimaha guud ka ahaa Wasaaraddaas, dawlad qudhaynu wadannahay, ayaan Gaadhigii ku soo wareejiyey Safaaradda Jabuuti ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Wakiilka Somaliland u jooga magaalada Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed oo u warramay Horn Cable TV.
Safiir Cabdifataax oo Sharraxaaddiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Gaadhigaasina waxa uu noqonayaa Hanti ay Safaaraddu leedahay, waxan Qarankaa iska leh, isku dawlad baynu nahay. Dadka qaar baa mala-awaal samayee, Karaamadayda ayey meel kaga dhaceen, Karaamada Qaranka ayey meel kaga dhaceen, kamana yeelayo, waxan Qarankaa iska leh, Qarankaana looga tegayaa.”
“Waxa jira Rag Aniga iga horreeyey immikana Wasaarado kale ka shaqeeya, Baabuurtii ay wateen Qarankay ugu shaqeeyaan oo way la wareegeen, wax khalad ah oo ku jiraana ma jiraan. Wasiirro ayaa jira baahida Wasaaradda kale markay arkeen la wareegay (Baabuurtii ay ku wateen Wasaaradaha laga beddelay). Waa Hanti Qaran, Safaaradda ayaa leh, cidda I beddesha ayaanan ku wareejin doonaa, wax cid gaar ahi leedahayna maaha ee waa Hanti Qaran.” Sidaa ayuu yidhi Wakiil Cabdifataax Siciid Axmed.