“Waxa Jira Dad Iibsanaya Kaadhadhka Cod-bixinta, Haddana Gubaya..” Xasan Waraabe Cadde
Hargaysa 13. October 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyihii hore ee guddida Olambiga Somaliland ahna La Taliyaha Maayarka Hargaysa ee dhanka Ciyaaraha Xasan Waraabe-Cadde ayaa ka digay dad uu sheegay inay ku hawlan yihiin arrimo halis ku ah doorashada iyo xaqa muwaadinka, kuwaas oo kaadhka codbixinta lagu iibsanayo.
Xasan waxa uu tibaaxay inay jiraan dad kaadhka codbixinta ka iibsanaya haweenka iyo dhallinyarada, kaddibna gubaya si ay u khasaariyaan codkooda.
“Waxa jira dad meel kaga dhacaya xaqa muwaadinku u leeyahay inuu doorto hoggaamiyaha uu dalka ku aaminayo, kuwaas oo kaadhka ka iibsanaya kaddibna gubaya si ay qofka uga hor joogsadaan inuu codeeyo. Waxaan uga digayaa dadka inay ka feejignaadaan arrintan.” Sidaas ayuu yidhi Xasan.
Xasan oo saamayn badan ku dhex leh dhalinyarada Somaliland, waxa uu sheegay inuu ka qayb-qaadanayo ololaha doorashada Madaxtooyada, isla-markaana uu si toos ah u taageerayo Murashax Muuse Biixi Cabdi oo uu uu sheegay inuu ku qancay barnaamijkiisa siyaasadeed, waxaanu ka dalbaday dhallinyarada inay taageeraan murashaxa “Maaddaama aan muddo dheer ku soo jiray ciyaaraha, fursaddii ugu fiicnayd ayaa maanta taagan oo ah in dhallinyarada ciyaaruhu ay helaan hoggaamiye kor u qaada ciyaaraha. Maanta waa maalintii loo baahnaa, waa inay doortaan nin horumar gaadhsiin kara ciyaaraha, kaas oo aan anigu u arko inuu yahay Muuse.” Ayuu yidhi.
“Muddo 25 sannadood ah ayaan si mutadawacnimo ah dalka ugu shaqaynayay, maantana waa inaan ka fikirno, dhallinyarada aan ku dhiirigelinayaa inay ka fiirsadaan halka ay fartooda saarayaan iyo madaxweynaha ay u codaynayaan. Waana igu waajib in dhallinyarada aan u tilmaamo halka uu ku jiro horumarkoodu.”
Xasan-waraabe Cadde waxa uu sheegay in muddo bil ah oo uu dalka kaga maqnaa safarro dibadeed uu ka shaqaynayey hawlo faa’iido u leh dhallinyarada Somaliland, gaar ahaan bahda ciyaaraha, kuwaas oo uu kusoo maray dalalka Sweden, Norway iyo Imaaraadka Carabta.
Xasan waxa uu xusay inuu dhowaan u baxayo safar uu ku tegi doono gobollada Saraar iyo Sool, gaar ahaan magaalooyinka Caynaba iyo Laascaanood, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha, waxaanu yidhi: “Aniga iyo koox aan ka mid ahay ayaa tegi doona Caynabo iyo Laascaanood oo aanu ku leenahay asxaab badan, halkaas oo aanu kulamo kula yeelan doono dhallinyarada ciyaaraha ee labadaas gobol iyo gobollada kale ee aanu gaadhi karnoba.”