Waxa I xanuunaya Mindhicirrada, waayo waxan liqay Saddex Memori Oo Laba Ka Mid ahi…………” Muwaadin ka warramay Walxo Khasab lagu liqsiiyey.
Ceel-buur: 14-Aug-2013 (SDN)Muwaadin Soomaaliyeed oo dhawaan Gaadhay degmada Ceel buur ee Gobolka G/gaduud ayaa waxa uu sheegayaa in Al shabaabka ku sugan halkaasi ay dhibaato xoogan ku hayaan dadka ku dhaqan Ceel buur, islamarkaana ay isaga dhibaato weyni ka soo gaadhay dhacdo ay SHabaabku kula kaceen.
Muwaadinkan oo magaciisa qariyey oo u warrama qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay inuu la il-daran yahay dhibaaro caafimaad oo ka soo gaadhay walxo ay Shabaabku ku qasbeen inuu liqo, waxana uu yidhi, “’Waxan iminka ka xanuunsanahay Mandhicirada, waayo waxan laqay Saddex Momeri oo laba kamid ah ay yihiin waaweyn, ma rabin inaan liqo laakiin waxa ay iigu hanjabeen dil ama liqid, sidaas darteed waan isku badbaadiyey’’
Muwaadinkan oo tafaasiil ka bixinaya sababta dadka loo liqsiinayo Aaladahan halista badan leh, waxa uu yidhi, “Hadii aad tagto halkaasi hadana memoriga ay kuugu jiraan sawir caadi ah xitaa waxa lagu dhahayaa liq taasi oo aan la yaabay sida qof bani’aadam ah loo odhanayo liq Memori biro iyo caagag adag ka samaysan oo aad ku dhimanayso.”.
Inkastoo uu diiday in magaciisa la xigto xaaladdiisa amaan darteed, haddan waxa uu sheegay muwaadinkani in shacabka Ceel-buur dhibaataysan yihiin oo Noloshoodu cidhiidhi ku jirto.
In qof bani aadam ah oo Nool la liqsiiyo Memori waa wax caqliga fayowi diidayo oo aan suurto gal ahayn, balse waxa shacabkan lagu haystaa shaki ah inay Aaladahan Mobile-lada la gashado Memoriga ah ay ku sitaan waxyaabo aan diintu ogolayn oo xaaraan ah.
Ugu dambeyntii, waxa uu sheegay in haddii uu geeriyoodo uu u geeriyooday Xanuunka uu ku hayo Momeriga, maadaama uu yidhi xanuunka ayaa igu xoogan dhanka Mandhicirada.
Somalidiasporanews.com