|

“Waxa Heshiisyadii Hore Buriyay Somalia Oo Shirkii Ugu Dambeeyay Ku Soo Dartay Dad Somaliland U Dhashay” Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibada DAAWO

Hargaysa 07.Jan 2016 (SDN/QJ):- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada  Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Aadan Ismaaciil ( Axmed Keyse), ayaa  ka hadlay isu socodka dalalka Itoobiya iyo Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyay hakad ku yimi ka dib markii dhanka dal ku galka ay Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa ay bixiso uu dhankooda ka yara  hakaday.

11300.jpg-390x260“Safaaradda Itoobiya ee halkan (Somaliland) innaga degeni waa Safaaradda ama qunsuliyadda kaliya ee dalka  Somaliland Xafiis ku leh ee Baasaboorka Somaliland Fiise ku bixiya ee sida tooska ah baasaboorka  Somaliland toos dalkooda loogu tago,ta labaad Itoobiya iyo caasimadooda  Addis-ababa  waa  marinka caalamka aynu ka galno ee Somaliland iyo dunida inteeda kale isku xidha,markaa mar ayuu hakad ku yimi fiisayaashii ay bixin jirtay.   qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa taasoo ku timi waraaqaha oo ka go’ay  iyo iyadoo haddana la bedelay madixii socdaalka ee Safaarada oo iyana culays kale ku sii kordhisay oo wax is gaadh gaadheen intii hawshu socotay,laakiin markii ay intaasi dhacday ee culayskaa la dareemay waxaanu Wasaaradda ku wada shirnay Safaaradda waxaanan ku heshiinay wixii caafimaad deg deg ah u baahan ee xaaladiisu halis tahay in ay fiisaha dal ku galka Itoobiya siiyaan,kaasoo ah in qofka xaaladiisu halis ku jirto. waxaa kale  waxaa kale oo aanu ka wada hadalay in heshiiskii hore ee aanu wada gaadhnay in uu halkiisii ka sii socdo kaasoo ahaa in dadkii safaaradu balanka u qaaday ee dadkoodii iyo qoysaskoodii  oo Addis-ababa jooga u tegaya iyagana in aan la celin,”ayuu yidhi  Wasiir Ku-xigeenka Khaarajiga oo u waramay TV-ga Somali Channel

 

Wasiir Axmed Kayse waxa uu sheegay inay Guddi isku dhaf ah oo ka kooban Somaliland iyo Itoobiya ay u saareen qoddobada sababay hakadka galay dal ku galkii Itoobiya, waxaanu yidhi “Annagoo sidaa isku og ayaa haddana hakad kale ku yimi, hakadkii ku yimina waxay keentay in ay dhexdooda is habeeyeen markaaa waxay joojiyeen Fiisayaashii,safiirkiina wuu maqan yahay, intaa ka dibna waxaanu magacownay laba xubnood oo Wasaaradda ah  oo uu Agaasimaha Guud kow ka yahay iyo laba xubnood oo dhankooda ah waxaanay guddidaa labada dhinac isla eegi doonaan waxyaabaha hakadka keenay iyo siyaabaha looga gudbayo kollay arrimahaasina dhakhso ayay u soo dhammaanayaan marka Safiirkiinna yimaado Wasiirkuna socdaalka ka soo noqdo.”

 

Mudane Axmed Kayse waxa kale oo uu soo qaaday ujeedada Somaliland ka leedahay wada hadaalada u socda Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi  “Horta waxaa wax lala yaabo ah in wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya,  in ay Soomaalya  mar kasta ka been sheegto oo ay tidhaahdo waxaa loo wada hadlayaa waa midnimo iyo Soomaali weyn laakiin xaqiiqadu sidaa ay Soomaaliya sheeganayso maaha ee waa mid ka duwan oo ah in ay wada hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya oo ah laba dal oo walaalo ah oo jaar ah oo wax wada qabsan kara, cilaaqaadna wadaaga sida ku cad  wada hadalkii Febawari 2012-kii.  oo  lagu caddeeyay in Somaliland iyo Soomaaliya oo laba dal ahi in ay wada hadlayaan caalamkuna markhaati ka yahay.”

 

“Waxa heshiisyadii hore buriyay Soomaaliya oo  shirkii ugu dambeeyay ku soo dartay dad u dhashay Somaliland oo ay xilal u magacawday in ay ka qeyb galaan shirka labada dal,taasoo markii horeba ku jirtay in aanay wada hadalka labadada dal  dhanka Soomaaliya ka iman karin shaqsiyaad u dhashay Somaliland oo Dawladda Soomaaliya metelayaa,qoddobkaasina  si badheedh ah ayay u jabisay Dawladda Soomaaliya oo aad moodo inaanay doonayn in wanaag lagu wada hadlo oo Somaliland iyo Soomaaliya daris ah oo cilaaqaad yeesha in ay wax ka wada hadlaan,laakiin mar kasta Somaliland waxay diyaar u tahay in daris wanaag iyo walaalnomo labada dal ahi jirto oo xaqiiqada laga wada hadlo. waxaa kale oo aanu diyaar u nahay in wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya  haddii uu dhankooda ka fulayo in uu noqdo mid caalamkuna goob joog ka ahaado oo dawladda Turkiga oo markii hore marti gelinta oo kaliya lahayd ay ka qeyb gasho oo midawga Yurub ka mid  noqdo oo caalamka oo dhammi ogaado isla markaana aanu caalamka tusno in Soomaaliya y diidan tahay in dalalka Somaliland iyo Soomaaliya wada hadal midho dhala in ay wada gaadhaan oo ay qolada Muqdisho been abuur kaga jawaabayso shir kasta oo la wada yeesho,laakiin haddii ay Soomaaliya riyo ku nool tahay oo aanay doonayn natiijo ka soo baxda wada hadalka labada dal markaa waxay noqonaysaa in aanay waxba diyaar u ahayn Somaliland-na way ka tashan doontaa.”ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland

Comments are closed