Waxa haboon in aynu lashaqayno oo aynu garab istaagno madaxweynaha somaliland
marka hore waxan halkan kasalamayaa dhamaan umada jamhuuriyada somaliland oodhan meelkasta oo ay kala joogaan . intaasi kadib waxaan doonayaa inaan wax yar ka idhaado horumarka ay somaliland gaadhay intii uu xilka madaxweynimo uu qabtay madaxweynaha jamhuuriyada somaliland axmed maxamed siilaanyo. sida lawada ogsoonyahay 26/6/2010 markii uu xilkaasi sid dumaqaradiyada ah uu ulawareegay axmed maxamed siilaanyo. isbadalo badan ayuu sameeyey .
hadaan soo qaato waxa kamid ah miisaaniyada dawlada oo la kordhiyay taasi uu sameeyey wasiirkii hore ee maaliyada eng maxamed xaashi cilmi oo ahaa runtii muwadin dhab ah oo lexejeclo ka qaba wadankiisa hooyo iyo dadkiisaba .
waxa la kordhiyey mushaharka ciidamada. waxa lacagla,aan lagadhigay iskuulada hoose dhexe ay dawladu maamusho. waxa iyana lacagtii laga badelay gobolka togdheer oo ay isticmaalayeen lacagtii dawladii dhexe ee somaliya ee dhacday.
waxa kale oo lasameeyey oo wax wayn laga qabtay madaarada berbera iyo hargaysa taasi oo ay shacabka jamhuuriyada somaliland ay aad ugu farxeen. madaxweynaha jamhuriyada somaliland waxa uu furay oo uu fasaxay in qofkasta oo muwadin somaliland ah inuu furan karo xisbi taasina waaa guulaha waawayn ee axamed maxamed siilaanyo sameyey.
dhinaca kale waa markii ugu horaysay ee jamhuuriyada somaliland ay hor fadhiisato somaliya 23/3/2012 ayaa waxa london kadhacay shirkii somalidu ay aayahooda katashanayeen. taasi oo somaliland lagu macsuumay shirkaasi uu kasoo qabaygalay madaxweynaha jamhuuriayda somaliland axmed maxamed siilaanyo iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayey. halkaasi oo uu kacadeeyey madaxweynu mawqifka somaliland ay tahay mid muqadis ah oo aanay marnaba somaliya lamadoobindonin.
iskusoo wada duubo wax badan oo lataaban ayaa somaliland u qabsoomay intuu ii xilka qabtay axmed maxamed siilaanyo. intaasi hadaan ku dhaafo waxqabadka dawlada ee aan ladafirikarin. hadaan waxkasheego dhaliilaha ay leedahay xumada jamhuuriyada somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay axmed maxamed siilaanyo
iyada oo markii hore la ilaaway amaba ay mesha kabaxday shaygii beeluhu ama qabyaaladu ayaa waxa soo ifbaxay hada in beelkasta oo somaliland ahi ay shir qabsato waa su.aasha aan ilaahada aan isweydiiyo maxaa keenay in beelwaliba ay shirja.aadqabto oo ay dawlada ay dhaliisho. taasi oo aan markii hore uu daahir riyaale kaahin xukumadiisii iyo tii maxamed xaaji ibraahi cigaal aanay jirin arintaasi oo aan lamaqlijirin haday jirtayna way asturnayd oo mahayn in qofkastaa inta uu tvga soo fadhiisto waxkasta iskaga hadlo.
waxa ina soo baxay musuqmaasus farabadan oo tii lagu dhaliili jiray xumadaii daahir riyaale kaahin ay tan haatan joogtaa ay baradhaafisay. dhinacakale waxa iyana jirta caqabado kale oo ah madaxweyne siilaanyo wasiirada uu magacaabo oo ubadan qurbojoog aan qoon badan ulahayn waayaha nolosha wadanka iyo sida loola jaanqaado bulshada iyo afka laguhadlo taasina waata keentay in dad badan oo u haynwaynayd xukumada hada joogtaa ay nidjabka muujiyaan mustaqbalka wadanka. waxa hadaba inala gudboon inaynu wadnkeena ilaalino nabadgalyadiisa iyo bal sidii uu caalamka uga helilahayd qoonsi buuxada jamhuuriyada soomaliland waxa shacabka jamhuuriyada somaliland lagudboon sidii ay dawlada ulashaqayn lahaayeen waxana wanaagsan inaynu xumadadeena aaminyo oo aynu garab istaagno. si aynu u gaadho horumar iyo barwaaqo balaadhan.
abdi barud cabdi xarago
bristol uk