|

“Waxa dalka soo gaadhay Engineero Itoobiyaan ah oo samayn doona qaabka loo qurxinayo caasimadda Hargeysa” Wasiirka Arrimaha Gudaha

Hargaysa 29.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland  Md. Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa sheegay inay Hargeysa soo gaadheen khabiirro Itoobiyaan ah oo samayn doona qaabka loo qurxin doono Caasimadda Hargeysa si loo fuliyo qorshihii uu hore ugu baaqay ee kor u qaadista bilicda magaalooyinka.

 

Warancade2Cali Waran cadde oo maanta saxaafadda kula hadlayey golaha wakiillada oo uu ku sugnaa, ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu ku wareejin doono khabiiraddaasi Maayirka Hargeysa si ay u billaabaan qaabka loo qurxinayo Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay soo socdaan dhirtii loogu talo galay in lagu beero gudaha Hargeysa, taas oo uu hore u amray in magaalooyin ka dalka la qurxiyo.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayay wuxuu yidhi “Waxa dalka soo gaadhay Engineero Itoobiyaan ah oo samayn doona qaabka loo qurxinayo caasimadda Hargeysa, waxaanan ku wareegin doonaa maayirka Hargeysa si ay shaqada u billaabaan, dhirtii lagu beeri lahaana way soo socotaa oo dhowaan ayey imanaysaa”

Wasiirka Daakhiligu waxa kale oo uu sheegay inay shirkadaha Laydhadhka iyo kuwa telefoonadu wadaan sidii ay dhulka hoostiisa u marin lahaayeen xadhkaha ay biraha ku xidhaan, kuwaas oo bilic xumo ku keenay magaaladda.

Hargeysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed