“Waxa Cajiib ah Guddoomiyihii Baarlamaanka Somaliland oo Golihiisii Dacwaynaya..” Muuse Biixi DAAWO
Hargeysa, 23 September, 2016-(SDN/QJ):–Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ahna Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbigaas, ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ku eedeeyey Dacwadda Xisbigiisu u gudbiyey Maxkamadda sare inay tahay Guddoomiyihii Baarlamaanka oo Golihii uu hoggaaminayey Dacwaynaya.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay inay wax lala yaabo tahay in Xisbiga WADDANI Dacwad ka dhan ah go’aanka Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku kala qaaday ama ku kala reebay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, isagoo Guddomomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka mid ah Guddoomiyeyaasha Xisbiyada ee Kalsoonida go’aan ka gaadhista Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada gobolladu ku kala yeelanayaan, in markii Madaxweynuhu go’aanka ka gaadhay uu hadda diidmo iyo dacwad ka keeno.
Waxaa uu Musharrax Muuse Biixi Cabdi waxaa kale oo uu sheegay inaanay wax hore u dhacay taariikhda Siyaasadda caalamka ahayn in Xisbi Muxaafid ah iyo Xukuumaddiisii oo doorasho la diyaar ah, Xisbi Mucaarad ahi diiddan yahay oo uu Dacwad ka gudbinayo kolba sida loo qaban karayo doorashada oo uu ka soo horjeedo.
Hadalka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey halkaas ee uu ku duray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro iyo Qaabka ay isaga iyo Xisbigiisu u waajahayaan Dacwaddan ka dhanka ah go’aanka Golaha Wakiilladu aqlabiyadda ku ansixiyey Sabtidii dhawayd, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-