|

Waxa cadaatay in sida keliya ay dumarka iyo dadka laga tirada badanyahay ay ku soo bixi karaan ay tahay Kooto la siiyo

Sideedaba caalamkan aynu ku noolahay qofwaliba cadaalad inuu ku noolado ayuu abaahanyahay si uu noloshiisa ugu maareeyo. Eebaha ina abuuray marku ku abuuray. waxad noqonayso iyo meesha aad ka tirsanaandoonto midna intaanad dhalan maad ogayn, ha noqoto Jinsigaga dumar ama rag , meesha aad ku dhalan doonto iyo meesha aad ka soo jeedaba. Hadaad Aabo tahayna waxad jeceshahay inaanad u kala eexan wiilasha iyo gabdha aad dhasho , marka barbarinayso.

Dadka badan, kuwa tirade yar intaba dee ilaahay ba abuuray laakin qofwalba waa in dawrkiisa la eego. Somaliland maanta hadaba dadka ku nool waxa lagu qiyaasa in ay 55% tahay dhedig ama dumar meesha rag ay ka noqonaayan in ku dhaw 45% waa qiyaase isbedeli karta.

Waxa kale oo iyana haboon in la tixgeliyo dadka laga tirada badanyahay, inkastoo aanan anigu ka tirsanayn dadka, hadana waxan aad u jeclahay in xaqooda la dhawro oo la tixgeliyo marwalba marwalba. Loona qondeeyo tiro % inta ah oo laga siiyo dhinac shaqada iyo guriga wakiilada ahba. Cadaaladana badana waxa laga abuura dadka jilicsan.

Hadaba haddii aan ku soo dhawaado mawduuca, dawlada Somaliland walaw ay yarayd tiraday u soo bandhigtay Tirada Koontada ah ee ay qundaysay dumarka iyo dadka laga tirada badanyahayba. Hadana Dawladu waxay u gudbisay Golaha Wakiilada tiroba in ku dhaw laba jeer si xeerka loo meel mariyo, islamarkaana looga ansixiyaan xeerkii u qoondaynnaayay dumarka iyo dadka laga tirada badanyahayba koontada kuraasta ee u gaara ah oo laga siiyo golayasha wakiilada iyo xildhibaanada deegaankaba. Sababta saa loo yeelayna waxa loo arkay inay ahayd sida keliya ay ku soo baxayaan dadkaasi inay sida tahay.

Nasiib darro, markii ay Golihi Wakiiladu arrinta ka shireen, markiiba go’ankii way qaadaceen kaaso ahaa inay koonta gaara siiyaan haweenka iyo dadka laga tirade badanyahay iyagoo aan bixin asbaab arrintaa qeexaysa (laakinse mid uun loo arkaayay inay tahay mid dadka lagu takoorayo taaso ku taxaluqda jinsigooda iyo meesha ay ka soo jeedaanba, waxana loo yaqaan cunsirinimo).

Taana waxa loo arka marka xuquuqal insaanka la eego , ku xadgudub xuquuqda dadka laga awooda badanyahay. Waxa taa ka sii daran Golihii sharci dajin oo laga filaayay inay dadka u doodaan uu nasiib daro isagiiba diiday inuu dadka caawiyo. Arrintana waxa lagu tilmaami kara , waa nasiib daro u soo hoyatay golaha sharcidajinta, xuquuqal insaanka, cadaalada iyo sumcad dawlada somalilandba ku leedahay calamka.

Inta kadib, markii ay cadaalad daradaasi ku dhacday , ayaa waxay dadka aan soo sheegeen markii danbe ay go’aansadeen inay bal golaha deegaanka iska soo sharxaan, iyaga oon joyskale haysan balse aad uga welwelsan soo bixitaankooda. Markii ay mudo u ololaynayeen arrintaa oo ay qola waliba dadkoodii ka codsadeen inay taageeraan. Ayaa waxa dhacday markii ay natiijadii soo baxday. In waxay ka welwelsanayeen ee cadaalada darada ahayd ay soo baxday iyadoo looga reebayo doorashaa dumarnimadooda ama dadka ay ka soo jeedaanba.

Bal eeg adiguba maxaa ku dhacay dadkaa aan sheegay ee isa soo sharxay waxa dumarka ka sharxna siday sheegtay Nafisa oo katirsan ururka dumarka ee loo yaqaan (NOW) ila 140 dumar ah oo ka kala sharaxna Golaha deeganka , waxana ka soo baxay 10 dumar oo kaliya kuwaaso waliba ka soo baxay gobolada kale aan ahayn Hargeisa, Burco iyo Berberaba. . Waxay u soo bixi waayeen waxa lagu macnaynkar qodobada soo socota :

Dumarka oo aan iyagu isu codayn, bal safafka codaynta dumarba ba u badan, marka waxan shaki ku jirin haday isu codayn lahayeen inay intay doonanba heli lahaayeen.

Dhaqan soo jiraan ah iyaga hortaagan kaaso isna la odhan karo waa caqabad kale oo soo bixitaankooda hortaagan.

Heerka aqoonta maanta dumarka dalka oo ka hooseeya ka raga.

Dhaqaale xumo dumarka haysata oo aan u saamaxayn in olalohooda ku wataan.

Dhinaca kale, dadka laga tirada badan yahay ee ku nool maanta dalkii, waxa iyana weheliya caqabada gaar ah oo ay ka mid yihin , dadkan oo waxbarashadooda, ganacsi, siyaasad intaba dadka kale hooseeya. Marka iyadoo la eegaya dhaqanka, binaaadanimida waxan idinku boorinaya in dadka la caawiyo intay soo kacayaan, dadkaaso oo Hargeysana ka degan deeganka (Daami) iyo meela kale oo dalka ahba , sidaad la socotaan intii ay doorashadii degaanka socotay waxay dadkaasi isku taxalujiyeen inay ka soo saran deegaanadoodi dad metala, nasiib darro way suurtageli wayday. Waxana tusaale kuugu filan caasimada oon ila hadda lahayn qofkeliya oo ka soo baxa dhinaca xaafada Daami ama gobolada kaleba.

Hadaba doodan oo kale oo ah in la gacanqabto dadka sidaa oo kale ahba, ayaa hore ugaga dhacday dawlada badan oo caalamka ah, waayo dadkan oo aan hore ugu jiri jirin Golayashaas oo kale, ayaa xaq ugu leh in dawlada gacanqabato si ay dadka kale ula jaanqaadan.

Tusaale, ahaan Matalan dalka Maraykanka oo ay ku noolaayeen dad badan oo Madaw ah kuwaasoo laga xoreeyay cabiidsigii, markiiba way ku adkayd inay la tartaman dadka cadaanka ah dhinaca waxbarasho, shaqo iyo wixii la mid ahba. Marka dawlada maraykanku waxay u qondeeysay Koonto dhinacyada aan sheegay oo lagu soo kicinaayo. Matalan sidaasu ku soo baxay General Colin Powel oo ahaa ninkii ugu sareeyay ee ciidamada milatariga ee maraykanka. Sidoo kale waxa ku soo baxay qaar kale oo ah Qareeno, dhakaatiir, Golahaysha deeganka, Congeraska iyo wax la mid ah.

Dhinaca Afrika haddaan eegno, Uganda iyo Ruwanda labaduba waxay siiyeen dumarka iyo dadka laga tirade badanyahayba Koonta gaara sidaasanay ku soo baxeen.

Dadka qaar aan u ogalyn hablaha oo hablaheeni in xaqooda helaan, ayaa ku dooda ragii ba wax qaban wayay ee xagee dumarku joogan ama si kale wax u macnaynaaya u jecelyahay isagu, runtii waxa haboon in bulshado dhan la soo dhaweeyo mida kale, xagee lagu ilaawaya bulshada tiradooda oo 55% dumarka waxqabadkoodi.

Mid ku darso, oo dumarku badankoodu malaha kharash badan Qaadna ma cunaan, waxna ma dhacaan. Hadaad bal eegto shakhsiyaad dadkooda wax u qabtay Sida Marwo Adna runtii waxay ka fiicantahay maanta 100 nin waayo intay bulshada uga qabatay dhinaca caafimaadka wax la soo koobi karo maaha. Waxay u samaysay dadka caawiyayba Isbitaal qalab cusub leh, oo daryeela dumarka iyo caruurta. Waxa kale uu leeyahay isbitaalkaasi Dugsi caafimaad oo lagu kalkaalayaasha caafimadka iyo Umulisooyinka (Midwives).

Sidoo kale tusaale ahaan , Marwo Faadumo Saciid oo had iyo jeer dhiiri gelisa dhalinyarada ciyaartooyga ah , Shukri Bandara wasiirka Deeganka iyo Marwo Zamzam Adan wa wasiirka waxbarashada eh intuba waxay u noqonkaran tusaale fiican heerka waxqabad ay dumarku ka ciyaarayan horumarka dalka. Qofkii hawshiisa ka soo bixi waaya kaasi waa gaar rag ama dumar kuu doono ha ahaadee. Arrinkaasina wuxu beenaynaya doodi ahayd maxay dumarku qaban karan raggiiba wax qaban waaye.

Waxan hadalkaygi ku soo gabagaynaya waxay ila tahay in la soo gaadhay waqtigi la soo gacanqabanlaha dumarka iyo kuwa laga tirada badanyahay. Imikana ay dadkoo dhanba u cadaatay markii doorashadii deegaanku dhamaatay taaso labada kooxood aan sheegayba ay isku dayeen inay soo baxaan, nasiib daro se ay soo bixiwaayeen.

Taasi waxay cadaynaysa in aan laga maarmayn inuu Madaxweynuhu mar sadexaad ku adkeeyo Golaha Wakiilada in loo ansixiyo hadda ka dib koonto gaara oo ay ku soo baxaan. Waxanan ku goorinaya ururada u dooda xuquuqda aadanaha, ururada dumarka iyo ku laga tirade badanyahayba inaanay ka daalin ee ay u olaleeyeen, halgan dheerna u galaan sidii ay koontadaas loogu ansixinlaha.

Qore

Adan Jama Kahin

Waa Qora wax ka qora arrimaha

Geeska Afrika.

Comments are closed