“Waxa Aynu Doonaynaa Guusha Aynu Jecelnahay, Waxaanna Guusha Gaadha Oo Dhaliya Kuwa Isku Diyaariya..” Hogaamiyaha Xisbiga Waddani
Burco 21. September 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali X. Xasan, ayaa ugu baaqay taageerasha xisbiga WADDANI inay dedaal iyo tacab badan u galaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan inay qabsoonto 13 November 2017 oo ay ka hadhsan yihiin 53 maalmood oo qudha, haddii ALLE yidhaahdo.
Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadal ka jeediyey xaflad xisbiga WADDANI ku qabtay magaalada Burco, ayaa waxa uu sheegay in muddada yar ee hadhsan loo adkaysto kadeedka uu xusay in xisbiga KULMIYE ku hayo bulshada reer Somaliland, balse loo baahan yahay in dedaal loo galo si kadeedkaas looga baxo.
“Waxa aynu doonaynaa guusha aynu jecelnahay in aynu u hawlgalno oo isku diyaarino, waxaanna guusha gaadha oo dhaliya kuwa isku diyaariya, ka iska fadhiyaana guusha ma gaadho, waxaanna la yidhaahdaa jaranjarada (sallaanka) ma fuuli karo nin jeebka gacan kula jiraa, sababtoo ah waxa uu doonayaa inuu awood ku fuulo, waxa aynu leenahay markaas jaranjarada aynu doonayno in aynu gaadhno, dalkana ku hoggaamino ee hoggaankiisa ku hannano fadhi ku iman mayso, waxaanna loo baahan yahay tacab, maalmahina waa maalmihii uu bilaabmayey diyaargarawgii ololuhu oo ay wax yar innaga xigaan, waxaanna innaga xiga dhawr iyo labaatan habeen bilawga ololaha sharciga ah,” ayuu yidhi Hoggaamiyaha WADDANI.
Waxaannu intaas raaciyey; “Waxa aynu doonaynaa WADDANI inuu dhiso oo ka tago hannaan siyaasadeed oo sameeya buundooyin ay isaga tallaabaan bulshada reer Somaliland, laakiinse aan samaynin gidaaro iyo darbiyo kala xidha.”
Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in xisbiga WADDANI doonayo sidii Somaliland loo gaadhsiin lahaa dunida koowaad ee horumarka gaadhay, waxaannu yidhi; “Haddii aynu nahay Soomaali amma Afrikaan waxa aynu aqbalnay in aynu noqonno dunida saddexaad, Maraykankuna noqdo dunida koowaad. Miyeynaan noqon karin dunida koowaad? Dalal badan ayaa gaadhay inay noqdaan dunida koowaad, adiguna (Somaliland) waad geydaa, waanan gaadhi kartaa. Hoggaamiyihii u horeeyey dalka Singapore (Singabuur) ee hadda horumarka gaadhay, kana mid ah dalalka la majeerto, waxa uu qoray buug la yidhaahdo from Third World to first world (Waxa aannu dunida saddexaad uga gudubnay dunida koowaad). Markaa waxa aynu innagu doonaynaa bal dunida koowaad ha inoo dambaysee sidee ayeynu u gaadhnaa dunida saddexaad? Ma waxa aad u mallaynaysaan haddii aynu nahay reer Somaliland in aynu iska yididiiloono oo iska nidhaahno halkaas ayeynu gaadhi doonaa, taasi waa maya, balse waxa ay taasi u baahan tahay tacab iyo dedaal, taasoo ah in si aad ah loogu tacbo, looguna dedaalo, guntigana dhiisha la isaga dhigo,” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Waxa kaloo uu sheegay in taageerasha xisbiga WADDANI ay farxadooda yari tahay marka uu ku guulaysto hoggaaminta dalka, balse farxadda ugu weyn tahay waqtiga Somaliland gaadho horumar weyn.