|

‘’Waxa aan lee yahay waa taariikh la la yaabaa in xildhibbaanaddii umaddu soo dooratay waxa uu ku galaayey Saleebaan Gaal, hada isaga cidi may soo daaran Weliba Wuu Kibrayaa’’ Mujaahid Dhego Weyne DAAWO

Hargaysa 17. February 2017 (QJ):- Mujaahid Ibraahim Dhega-weyne, ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay qaabkii uu Golaha Baarlamaanka uga dhex-dhaqmay guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md.Saleebaan Gaal, isaga oo carabka soo mariyey hadalo hanjabaado ah oo u aadan Saleebaan Gaal.

“Ugu horreyn, waxa aan halkan uga mahad-celinayaa xildhibbaanadii sida geesinimada lahayd u diiday wixii wadankan ka dhex dhacay, waxa aanu lee nahay waad is muujiseen. Waxa aan lee yahay waa taariikh la la yaabaa in xildhibbaanaddii umaddu soo dooratay waxa uu ku galaayey Saleebaan Gaal, hada isaga cidi may soo daaran, ninka idin hor taagnaa isaga cidi may soo dooran ee bax idin ku lahaa ee idin saarayey umaddu may soo dooran oo maalintii dhaweyd ee daaqadda laga soo gelinaayey goob-joog baynu ahayn, markaasuu weli ba kibir uu ku darayaa maanta.”.Ayuu yidhi Ibraahim Dhega-weyne.

Comments are closed