“Waxa aan Cambaareynayaa Falalka Wasiiradu ka waddaan Awdal, “Ciiddanku Xeryahooda Ha Joogaan” Murashax Xigeenka Ucid
Hargaysa 18.Dec 2014 (SDN/QJ)- Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa Xukuumadda Somaliland u soo jeediyay in arrinta Suldaan Abubakar Cilmi Wabar ay u madaxbanaanayso oo laga war sugo sidii ay xal ka gaadhisteedda.
Cabdirashiid Xasan Mataan oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Xisbi ahaan ay soo dhaweynayaan baaqii Salaadiinta Awdal ee ahaa in Nabad-gelyadda la ilaaliyo.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaanu Taageersanahay Baaqii ka soo baxay Golaha dhaqanka ee Awdal, kaas oo ahaa in ay Nabbad ku Xalindoonan Xaaladda Gobolka Awdal. Runtii waa arrin wanaagsan oo aanu ku faraxsan nahay in hawshaasi la wareegaan Odeyaasha Gobolku, waxanu leenahay Xukuumaddu hawdayso Salaadiintaasi”
Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu ugu baaqay Suldaan Wabar inuu qaato Wada hadalka ay Salaadiintu ula tagtay, isla-markaana laga war sugo, waxaanu yidhi “Waxa aan Cambaareynayaa Falalka Wasiiradu ka waddaan Awdal taasi oo dhib keeni karta iyaggoo dadkii Xidh-xidhaya, xadhiguna waxa uu abuura uun Xanaf iyo Xuman basle wanaag ma dhalo, Ciidankuna xeryahooda ha joogan, Suldaankuna wax Duulan ah oo uu soo wadda ma jirto, waxa kale oo aan soo jeedinayaa in Sharciga la dhawro oo aan la xidh-xidhin Xildhibaanada Xasaanadda huwan, iyagga oo aan wax danbi ah gacmaha la gallin.”Ayuu yidhi Cabdirashiid Xassan Mataan.