|

“Wax soo qulqulayaa ma jiraan, iclaamkaana buunbuuniyey, xataa laba boqol ma gaadhayaan Ajaanibka Shabaab la Joogaa, intooda badanina waa waddama afrika.” Sakariye Ismaaciil

Muqdisho:April,01,2015(SDN/QJ)-Sakariye Ismaaciil Xirsi oo hore uga mid ahaa hoggaanka sirdoonka kooxda Al-shabaab, isla-markaana isu soo dhiibay Dawladda Federal-ka somalia, ayaa waraysi uu bixiyey kaga Hadlay Xaaladda xilligan ee Kooxda Al-shabaab iyo isbeddelka ku dhacay.

sakariyeSakariye Ismaaciil oo waraysi siiyey Idaacadda VOA-da, ayaa ugu horrayn ka jawaabay Su’aal la xidhiidhay Suurtagalnimada inay Kooxda Al-shabaab ku Biirto Quwadda Cusub ee Daacish, waxana uu tilmaamay inaanay taasi Haatan muuqanin,

“aniga hadda qiimayntayda isma lihi way ku biirayaan, daacish, waayo  hore ayey alqacida xidhiidhkii ugu jartay, waayo xataa godane dhimashadiisii kamay soo hadlin oo kamay tacsiyadayn.hoggaanka Guud ayaa ku biiraya haddii ay cidi ku biirayso, haddii kalena waxay noqonaysaa in qolo jabto oo ku biirto, wax kala jab ahina kama muuqdo, “ ayuu yidhi Sakariye Ismaaciil.

Sakariye ismaaciil waxa uu sidoo kale ka Hadlay Ajaanibta xubnaha ka ah Kooxda Al-shabaab, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay Tiro hoose ka Yihiin kooxdaa, waxana uu yidhi, “wax soo qulqulayaa ma jiraan, iclaamkaana buunbuuniyey, xataa laba boqol ma gaadhayaan Ajaanibka Shabaab la Joogaa, intooda badanina waa waddama afrika.”

Waxa uu kale oo uu ka Hadlay arrinta la xidhiidha Dilalka joogtada ah ee kooxda hoggaankeeda lagu hayo, waxana uu xusay inaanay saamayn ballaadhan ku yeelanaynin jiritaanka kooxdaas, maadaama ciddii dhimatadaba cid kale lagu beddelayo,

“weerarkaasi qof uun buu ku dhacayaa, qofkaana qof baa beddelaya, waana laga yaabaa in mustaqablalka dhaw ay wax kala daataan, laakiin mustaqablka fog waxma soo kordhayaan.” Ayuu yidhi Sakariye Ismaaciil.

Zakariye Ismaaciil waxa uu tilmaamay inaan xal waara lagu gaadhi karin Ciidamada Xoogga wax ku wada ee dagaalka doonaya inay wax ku xalliyaan, waxana uu xusay inay haboon tahay in qorshe la yeesho, waxana uu yidhi,

“anigu waxan aaminahay inaan askarigu keligii xal noqon karin, haddii sababaihii uu kacdoonku ka bilawday ay jiraan waxma ma hagaagayaan, laakiin waxa wax ku xalismi karaan qorshe dhamaystiran.”

Sakariye ismaaciil, ayaa dhawaan si iskii ah uga soo goostay Kooxda Al-shabaab, waxana uu haatan gacanta ugu jiraa Dawladda, iyadoo la sheegay in laga diiday codsi  ka yimi oo ku saabsanaa in dal shisheeye loo qaado si ammaankiisa loo sugo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed