“Wax Khaatumo La Yidhaahdaa Ma Jiraan, Aniguna Waxan Ka Tirsanahay……” Xildhibaan Saado Cali
Puntland:7-Nov-2012(SDN)-Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo ka tirsan Xildhibaanada Dawladda Federalka ah ee Somaliya, ayaa markii ugu horraysay ka soo Hojeedsatay Kooxda is magacawday ee Khaatumo oo ay Hore ka mid ahayd dadkii u ololayn jirtey.
xildhibaanad Saado ayaa si weyn uga Hortimi Hadal ay garaado ka soo jeedo Deegaanka Buuhoodle iyo Lascanod ku sheegeen inaanay ka qayb qaadan doonin Xildhibaanada Baarlamaanka ee la soo xalayo.
Xildhibaan Saado ayaa warkaas Been Abuur ku Tilmaantay, “Warkaasi ma aha mid sax ah, waa mid ay dad dano gaar ah lihi faafiyeen wax Khaatumo la yidhaahdo ma jirto…anigu waxgaradka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaan ka tirsanahay mana qabo sidaas…” ayey Tidhi Xildhibaan Saado.
Hadalka Xildhibaan Saado Cali Warsame wuxuu imanayaa xilli Puntland uu ka jiro loollan siyaasadeed oo xooggan, islamarkaana ay gabagabo ku dhowdahay howsha xulista xildhibaanada kamid noqon doona baarlamaaka cusub ee Puntland, waxana uu sidoo kale Hadalkeedani niyad jab weyn ku yahay kooxda Khaatumo oo ay hore ugu ahayd Tiir adag oo wakhti badan soo Gelisay.
S.D.N