|

Wax ka Ogow Sababaha uu Xilkiisa ku Waayey Taliyihii Sirdoonka Somalia

Muqdisho:Sep,08,2014(SDN/QJ)-Shacabka somaliyeed ayaa shalay ku war helay xilka-qaadista Taliyihii sirdoonka ee Somalia Cabdilaahi Sanbaloolshe oo kaliya muddo laba bilood ah xilkan hayey, isla-markaana aanu dibadda usoo bixin wax khilaaf ah oo isaga iyo hoggaanka dalka u dhexeeyaa.

baleoXilk-ka-qaadista masuulkan ayaa si weyn loo hadal hayaa sababta keentay, waxase soo baxaya in Ra’isal wasaaruhu dhibsaday nidaamka uu Sambaloolshe u waday shaqadii loo igmaday, iyadoo sababta ugu weynna lagu sheegayo Hannaan ay wax u wada qaybsadaan Beelaha somalidu oo dawladda laga dhex arki waayey.

Dareenka uu Ra’isal wasaaruhu ka muujiyey shaqada agaasimaha Hay’adda Sirdoonka, ayaa waxa sii adkeeyey oo ku raacay golihiisa wasiirrada, waxana fadhi ay si wada jir ah u wada yeesheen lagu go’aamiyey in la gaadhay xilligii xilkaas laga qaadi lahaa.

Agaasimihii nabad sugidda ee xilka laga qaaday maalintii shalay, ayaa qaraabo dhinaca hooyada la ah madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ugu aadan abti, waxana la sheegayaa inuu xasan sheikh gacan ku lahaa Magacaabistiisa, balse aanu xilka-qaadistiisa wax badan  kala soconin.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu Madaxweyne Xassan u gudbiyay Liis ay ku qoran yihiin qaabka xilalka loogu qeybinaayo Beelaha Soomaaliyeed, iyadoona baadhitaano kadib ay xilalku noqdeen kuwa aan loo sineyn.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu Madaxweynaha kula taliyay in Xil ka qaadis lagu sameeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Goodax Barre maadaama ay bah wadaag yihiin Aggaasimaha Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Somalia, Hayeeshee uu Madaxweyne Xassan Sheekh ka biyo diiday in Wasiir Goodax xilka laga qaado.

Kadib ayaa Cabdi Weli waxa uu amar ku bixiyay in Golaha Wasiirada ay u codeeyaan Aggaasimaha Nabadsugida C/llaahi Sanbaloolshe, sidaana uu xilka ku waayay Sanbaloolshe Aggaasimaha.

Khilaafka Labada Mas’uul, Madaxweyne Xassan iyo Ra’iisul wasaare C/weli ayaa ahaa mid soo jiitamayay tan iyo Bishii July, markii Xilka sidan oo kale laga qaaday Jen. Bashiir Goobe, waxa uuna ka dhashay Khilaafka in Laba Mas’uul oo xilal muhiim ah ka haaya DF kana soo jeeda Hal Beel, taasi oo noqotay mid meesha ka saartay Jiritaanka Dastuurka.

Dhanka kale, C/llaahi Sanbaloolshe ayaa waxa uu noqonayaa Taliyhii Saddexaad oo Xilka laga qaado tan iyo markii uu Xasan Sheekh Madaxweyne noqday.

Waxaa laga yaaba in Madax adeyga uu Ra’isul wasaaraha xilka uga qaaday Aggaasimaha ay sababto in Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli dib usoo ceshaan Siyaasadihii ay qarka isaga tuurayeen.

Ra’isla wasaaraha ayaa lagu tilmaamaamaa nin aad u deggen oo aan ku degdegin go’aanada uu qaadanayo, isla-markaana cabashada dadka aad udhegaysta, waxase tani u noqonaysaa  inuu muujiyey rabitaankiisa ku aadan inay dawladdiisu noqoto mid beelaha somalidu ka wada Muuqato.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed