Wax ka baro xanuunka Caadada Dumarka. by Dr Abdifatah
salaam calaykum Waraxma.
Ku soo dhawaada Duruustii Caafimaad ee uu idiin soo diyaariyey Dr Abdifatah Ahmed.
Horudhac
Waxay dumarka intooda badan la kulmaan nooc xanuun caado inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea. Xanuunka uu keeno caadaada dhiigga waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada, laakin waxuu u faafi karaa dhabarkaaga.
Xanuunka caadada waa xaalad iska dhacda.
Waxaa daraasaadka la sameeyay qaarkood sheegayaan in ku dhowaad 75% ee ah dumarka dhallinta yar iyo 25-50% ee dumarka qaan-gaadhka ah ay la kulmaan xanuun iyo raaxo la’aan inta ay qabaan caadada. Ilaa iyo 20% ee dumarka , xanuunkan aad ayuu u qabtaa isaga oo ka joojinaaya inay qabsadaan waxqabadyo maalimeedkooda. Xaaladaha badankood xanuunka caadada waxay tahay wax-yeelaynta xun ee ka timaadda hab-socodka dabiiciga ah ee caadada. Si kastaba ha noqotee, mar-marka qaarkood, wuxuu xanuunka caadada noqon karaa natiijada ka soo baxda xaalad caafimaad oo gaar ah.
Waxaa xanuunka caadada lagu daawayn karaa guriga. Hase-yeeshee, haddii xanuunka caadadaada u aad u xun yahay, waxaa lagaga baahan doonaa inaad u tagto Dhakhtar Guud (GP).
Calaamadaha
Calaamadda ugu wayn e xanuunka caadada waa murqo xanuun ku dhaca calooshaada hoose. Mar-mar, waxuu xanuunka kuu qabanayaa si xoog leh, waqtiyo kalena waxuu ahaan karaa xanuun fudud, laakin joogsi la’aan ah. Waxuu xanuunka caadada dhiigga mar-mar u faafaa dhabarkaaga. Waxaad kale oo ogaan kartaa in xanuunka ku qabtaa kala duwanaado caado walbo.
Ayadoo dheeraad u ah xanuunka calooshaada hoose, waxaa kale kugu dhici kara calaamado kale, sida madax xanuun, yalaalugo, daalid, dareenka suuxdinta, war-wareerid, iyo shuban. Waxuu caadi ahaan xanuunka caadaada bilaabanayaa markii uu dhiigga bilaabanaayo, inkasto oo ay dumarka qaarkood xittaa ay la kulmi karaan xanuun dhoowr maalin ka hor intuusan bilaaban caadada.
Waxuu xanuunka caadada socon doonaa 12-24 saacadood, inkasto oo xaaladaha xun ku hayn karo dhoowr maalmood. Xanuunka wuxuu badanaa ugu xun yahay markii dhiig-baxaaga caadada ugu badan yahay.
Xanuunka caadada waxuu caadi ahaan ku fiicnaanayaa markii aad sii waynaato. Dumar badan waxay sidoo kale dareemaan fiicnaansho ka dib markii ay carruur dhalaan.
Sababaha
Xanuunka caadaada badanaa waa wax-yeelaynta xun ee hab-socodka dabiiciga ah caadada dhiigga jidhkaaga. Waxuu xanuunka caadada dhacaa markii gidaarka muruqeedka ee ilmo-galeenka is-qabsado (adkaado). Inta ay jirtoo caadadaada, gidaarka ilmo galenkaaga wuxuu isku qabanaaya si culus, sidii uu je-jebiyo dhiigga saaran gidaarka kana dhigo caadadaada bil walba kugu dhaca.
Waxuu hab-socodkan keeni karaa inuu jidhkaaga sii daayo kiimikada keenaysa xanuunka. Inta aad ku jirtid caadada dhiigga, waxuu kale uu jidhkaaga soo saarayaa koox kale oo kiimiko ah, oo loo yaqaano prostaglandins. Waxuu kiimikadaan ku dhiiri-gelinaayaa murqaha ilmo galeenka inay si ka badan isku qabsadaan, iyaga oo kordhinaaya heerka xanuunka.
Waxaa jira laba nooc oo waa-wayn ooxanuunka caadaada. Dysmenorrhoea’da koowaad waa wax-yeelaynta xun ee caadi ee ka timaadda caadada. Waxaa dysmenorrhoea’da labaad sababa xaalad gaar ah. Qaar ka mid ah xaaladaha keeni kara dysmenorrhoea-da labaad waxaa ka mid ah endometriosis (waa markii unugyada ilmo galeenka ay bilaabayaan inay ku koraan ilmo galeenka dibeddiisa), fibroids (kansarka aan xumayn ee ku dhaca ilmo galeenka) iyo cudurka bararka miskaha (waa bukasho ku dhaco xubnaha dhalidda ee gudaha).
Qalabka intrauterine (oo ah qalabka looga hortago uurka ee lagu xidho ilmo galeenka gudihiisa) wuxuu xittaa mar-mar keeni karaa xanuunka caadada.
Baaritaanka cudurka
Waxay dumar aad u badan oo la kulma xanuunka caadada dareemaan inuu si ku filan u fudud yahay in la baadho laguna daaweeyo guriga. Hase-yeeshee, waa inaad kala xidhiidhaa dhakhtarkaaga Guud (GP) wixii talosiin ah haddii caadadaada kuu keenayaan xanuun aad u daran.
Inkasta badanaa xaaladaha xanuunka caadada aanu sababin xaalad gaar ah, wuxuu dhakhtarkaaga Guud (GP) dareemi karaa inay tahay laga maarmaan in la sameeyo baadhis jidheed si loo ogaado haddii ay jiraan xaalado kale oo xanuunka keeni kara. Haddii xanuunkaaga caadada aanu wax jawaab ah ka bixinaynin daawaynta, ama haddii uu dhakhtarkaaga Guud (GP) u malaynaayo inay keentay xaalad gaar ah, waxaa laguu gudbin karaa xirfadle- caadi ahaan gynaecologist (dhakhtarka dumarka).
Wuxuu gynaecologist’igaaga samayn doonaa dhowr baadhis iyo habab-socod si loo ogaado sababta keentay xanuunkaaaga caadada.
Waxaa baadhitaanada ku jiri kara pelvic ultrasound (oo ah baaritaan dhawaaq lagu sameeyo sidii loo soo saaro muuqaalka xubnaha dhalidda ee gudaha ku jira) ama laparoscopy (oo la geliyo microscope yar meel laga jeexay caloosha hoose). Waxaa kale oo uu baahan kartaa hysteroscopy (oo ah sawir qaade yar oo la marsiinaayo cawradaada lana gaadhsiinaayo ilmo galeenkaaga).
Daawaynta
Waxaa xanuunka caadada caadi ahaan lagu daawayn karaa guriga. Inkasto oo ay suurto gal tahay inaadan awoodin inaad iska wada joojisid xanuunka, waxaa jira tillaabooyin kaa caawini kara in la qafiifiyo, ama la dhimo. Jimicsiga, ama in la samaysto qubays diiran, waxay kaa caawini karaan in la dhimo xanuunka.
Farsamooyinka nasashada xittaa way kaa caawini karaan. Xaaladaha xanuunka caadada badankooda, waxuu dhakhtarkaaga Guud (GP) kuugu la talinayaa inaad qaadatid daawada lagu magacaabo non-steroidal anti-inflammatory drug (NSAID), sida ibuprofen. NSAID waxuu wax u qabtaa qiyaas ahaan ilaa 70% dumarka qaba xanuunka caadada dhiigga.
Haddii uu NSAIDs wax ku tari wayo, waxaa lagu qori karaa xanuun-joojiye ka xoog badan. NSAID ma ku habbbona dadka qaba neef, kuwa qaba dhibaatooyinka caloosha (gaaska), killiyaha ama beerka, ama dumarka uurka leh, ama naas-nuujinaaya.
Waa inaan la siinin carruurta ka yar 16 sano asbiriin. Haddii aad u baahato daawada looga hortago dhalmada, waxaa laguu qori karaa kiniinka isku dhafan ee laga qaato afka loogana hortegaayo dhalmada. kiniinkani wuxuu dheeraad ugu yahay ka hortagga uurka, inuu xittaa yareyo xanuunka caadada. Haddii xanuunkaaga caadada u keenayo xaalad gaar ah, daawayntaada waxay ku xidhnaan doontaa xaaladda keentay xanuunkaaga.
iskana ilaali khuraafaadka somalida ee gabadha la saari waayo cadadeeda in la yidhaa jiman ayaa awlaada kuu diidaya…
oo ku kalsoonow ilahay caadadu waa shay dabiici ah oo iska dhamaada..
By Dr Abdifatah Ahmed Abdikarim..
Augsburg Germany.