Wax ka baro Xanuunadda Maskaxdda iyo waxyaabaha keena
scww. Dhamaan bulshada somaliyeed ee Jecel in ay wax ka Ogaadaan Caafimaadkooda.
Dariskan Maanta waxaynu ku soo qaadanaynaa Caafimaadka maskaxda iyo wixii wax yeeli kara.
Fahmitaanka Xanuunnada Maskaxdda.
Xanuunnada maskaxdu waa caam. Ilaa lix million oo qof yaa laga helay dunida, lakiin waxa ka jira aragtiyo aad u kala duwan oo ku saabsan waxa uu yahay, waxa sababa, iyo sida daka laagu caawin karo inay ka raystaan.
Dadka maskaxda ka jirani waxay la kulmi karaan dhibaatooyin sida ay u fekeraan, dareemaan ama u dhaqmaan. Tani waxay si wayn u saamayn kartaa cilaaqooyinkooda (xidhiidhka), shaqadooda iyo qiimaha noloshooda.
Qabitaanka xanuun xagga maskaxda ah dhib uma aha qofka qaba uun ee sidoo kale qoysaskooda iyo saaxiibadooda ayey dhib iyo murugo ku tahay sidii ay ula tacaalilahayen xubinta qoyska ka midka ah ee dhibtani haleeshay.
Xanuunnada maskaxdu waxay ka mid yihiin xaaladaha loogu faham yaryahay caafimaad ahaan ee mujtamaca ka jira. Taas darteed, dad badan ayaa qaba
xaqiraad iyo takoorid joogto ah oo kaga timaada bulshada. Si kastaba ha ahaatee, caksiga waxyaalaha buugta ku qoran, iyo telefishannada iyo filimada waxa lagu sheego, dadka maskaxda ka buka ama ka xanuunsaya intooda badani waxay ku noolaan karaan nolol wax soo saar iyo guul leh haddii ay helaan daawada iyo kaalmada ku haboon.
Dadka qaarkood, daawooyinka iyo la tacaalid kale oo caafimaad ayaa caawinkara, dadkalese waxba uma taraan. Tani waxaa lagu tilmaami kara marka uu qofka xanuunka noocan oo kale ahi uu mudo dheer soo haystay, iyada oo aanu qofkaasi wax daawo ah ama caawimo kale la siinin (chronic stress)
Daawaynta xagga caafimaadka waxa laga yaabaa inay tahay qayb ka mid ah waxa caawiya raysashada. khasabse ma aha inay tahay qaybta ugu mahiimsan. Waxa muhiim ah in la xasuusnaado in maskaxda oo laga xanuunsadaa aysan ahayn qofka qaladkiisa, mana aha calaamad daciifnimo mana aha wax la isku quudhsado.
In si gaar ah loogu arko dhibaatada qof kale inay tahay jirro u baahan daawayn waa aragti aad u gaaban.
Taasina waxay naga hor istaagtaa inaan ka fakerno raadadka badan ee ay ku leedahay nolosha qofka, iyo sida ay u fekerayaan, dareenkooda iyo dhaqankooda, tasoo keeni karta dhibaato xagga maskaxda. Waxay kaloo naga hor istaagi kartaa inaan u kuur gallo la tacaalidda aan dhinaca caafimaadka ahayn ee la heli karo ee cilaaj ama daawo dhaqameed lagu dawakhiyo qofkii bukay oo la cunsiiyo Daawooyin ama dhir aan qiyaasnayn oo wax yeeli karta dhamaan shaqada jidhka iyo maskaxdaba.
Sababahaas dartood, dad badan baa jecel inay ka hadlaan isku buuqsanaanta xagga dareenka ama maskaxda ah halkay ka oran lahaayeen waalli.
Waxa jira fikrado badan oo ku saabsan waxayaalaha sababa maskax wareerka. Dooddaan waxay qayb ka tahay mid balaaran oo ka doodaysa waxa naga dhiga dadka aan nahay; in shakhsiyadaheennu ay ka dhashaan khibradaheenna nolosha ee aan soo marnay, ama in ay ka dhashaan dhaxalkeenna wiraasiga ah, ee ay waalidiinteen noo soo gudbiyeen.
Waxa suuro gal ah in qaarkeen ay dabiiciyyan u fududdahay inuu xanuun xagga maskaxda ahi ku dhaco, kaasoo ka bilaaban kara dhacdooyin rafaad leh iyo jugo.
Arrimaha soo socda waa sababaha suuro galka ah qaarkood.
Waxay jirro maskaxeedku ku iman kartaa arrimahan midkood uun ama qaarkood oo wada jira.
waa maxay sababaha keena Maskax Wareerku?
Nolosha qoyska oo adkaata
Haddii ilmuhu soo koray isagoo dareemaya in la dayriyay, ama waalidkii ka baqdo ama ka cabsado. somalida waa u caado in ilmaha iyo waalidkii aanay isba fahmin xaga xidhiidhka waalidnimo. waayo aabuhu inta badan wuu dilaa caruurta uu dhalay. Taasina waxay sababtaa dhaawac soo gaadha ilmaha aad dhashay balse adigu aanad Dareemi karin. faqriga,Kufsiga. waxay dhamaan keeni karaan nabad galyo la’aan iyo khatar uu qofku ugu jiro inuu qaado jiro maskaxeed.
Cabburdhin
Intaan sii koraynnoba, waa nalaga hor joogsadaa inaan cabbirno dareenkeenna somali ahaan; waxaba laga yaabaa in nala ciqaabo haddii aan xanaaqno,qosolno ama oyno. Dareennada la cabbudhiyo oo aan la soo ban dhigin waxay sababi karaan cadaadis dhaawici kara caafimaadkeena maskaxeed iyo ka xagga jirkaba.
Dhacdooyin nololeed dhib baddan
Kuwani waxay noqon karaan dhacdooyin jug wayn u gaysta qofka sida saaxiib ama qaraabo dhaw oo dhinta, ama halgan waqti dheer qaata sida haddi qofku yahay dhibbanaha dulmi ama cadaadis. Baayokemistari, amaba Jacayl uu qofku ku guuldaraysto in uu helo lamaanihii uu jeclaa.
Samayska jidhkeennu waxuu raad ku leeyahay maskaxdeenna. Tusaale, haddii aan naxno waxaan soo saarnaa dheecaan la yidhaado Adrenaline kasoo ku yimaada waxa loo yaqaanno jawaabta dagaallan ama carar “fight or flight”. Haddii dheecaanka adrenalinta (ee uu soo daayo qanjidhka kalyaha ka sareeya) aan loo isticmaalin ficil dhaqdhaqaaq ah, maskaxdeenu waxay noqotaa mid kacsan jirkeennuna mid kakan.
Hiddo sidayaasha (Genes)
Kuwani waa habka ay waalidku ugu gudbiyaan carruurtooda calaamadaha muuqaalka ah. Waxaa suuro gal ah in hiddaheennu ay raad ku leeyihiin shakhsiyaadkeenna. Waxaa jira hiddo sidayaal sababi kara xannuunno xagga muuqaalka ah, sidaas darteed waxa jiri kara hiddo sidayaal inoo nuglayn kara xanuunno maskaxeed. sida Alzheimer’s disease iyo qaar kale oo badan.
Lasoco qaybaha Dambe oo aad u muhiim ah.
By Dr Abdifatah Ahmed