Wax Ka Baro Taariik-nololeedka Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir
Muqdisho:28-Feb-2014(SDN)-Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab) waa Duqa iyo Duqa cusub ee uu yeelan Doono Gobolka Banaadir, waxan Halkan aanu Idiinku Haynaa Taariikh Nololeed Kooban oo ku Saabsan Waayihiisa Nololeed iyo Kuwiisa Siyaasaadeed.
Muungaab waxa uu hore u ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo xilkaas Hayey in Muddo ah.
Taariikhda Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir General Muungaab ayaa ah Sidatan:
Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab wuxuu Dhashay Sanadkii 1972 wuxuna ku dhashay Tuulada Muungaab Dagmeda War-Sheekh Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Dhinaca Waxbarshada:
Waxa uu Bartay Darasaadka shareecada iyo Qaanuunka, Sidoo Kale Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen, Waxa uu Hadda Diyaarinayaa Master Degree Shareecada iyo Qaanuunka Ee Jaamacadda Um Durmaan Al Islaamiya khartuum Sudaan.
Sanadkii 2002 wuxuu ka qalin Jabiyay Jaamacadda Afrika Ee Caalamiga ah Gaar ahaan Kuliyadda Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka, Isagoo Ka qaatay Darajada batch.
Dhinaca Khibradaha Shaqo:
2001 -2002 Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Soomaliyeed Ee Suudaan ayuu Noqday.
2005- 2007 Bare Dugsiga Sare Jubba Ee Magalada Muqdisho.
2008 – 2009 Mustashaar safaradda Soomaaliyeed Ee Suudaan.
02/03/2010 ilaa 15/08/2010 Wuxuu ki biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Waxaana lagu qaatay Darajada Gaashaanle Dhexe, islamrkaana waxaa loo magacaabay Garsoore Ka Tirsan Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida..
16/08/2010 ilaa 16/08/2012 Waxaa loo magacaabay Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed.
17/08/2012 ilaa 25/02/2014 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.
Shalay oo ay Taarkiikhdu ahay 27 bisha February ee sanadka 2014-ka waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha waxa sugaysa Shaqo badan oo dhinaca Ammaanka u badan, waxana looga Baahan yahay inuu wax ka qabto Arrimo badan ku Gedaaman Gobolka Loo Magacaabay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com