Wax Ka Baro Astaamaha Mucjisada Leh ee U Gaarka Ah Buurta Uxud?
Markka 21. March 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Madiina Al-munawara ee ku taala Dalka Sucuudiga ayaa la xaqiijiyay inay ku yaalaan ilaa iyo 200 oo goobood oo taariikhi ah, waxaanay goobahaasi Taariikhiga ahi soo taagnaayeen tan iyo xilligii uu Nebi Maxamed NNKH ku noolaan jiray magaaladaasi barakaysan.
Haddaba, Buurta Uxud oo ku taala magaaladaasi ayaa waxay Xambaarsantahay Taariikh iyo dhacdooyin Muhiim ah, waxaanay ku taalaa jihada Waqooyi ee Magaalada Madiina, waxaanay ku suntantahay guushii ay ka gaadheen Muslimiintu Dagaalkii Uxud ee sanadii 3aad ee Hijriyada, sidoo kalena waxa ku yaala buurta Uxud Xabaalaha Shuhadadii ku shahiiday Dagaalkii Uxud ilaa 70 Saxaabi ayaana ku aasan.
Dhinaca kalena waxa ku yaala goob taariikhi ah oo loo yaqaan Maydaan Sayid Al-shuhadaa, dadka Muslimiinta ah ayaa marka ay booqasho ku tagaan Magaaladaasi waxay beegsadaan buurtaasi si ay u soo booqdaan goobtii uu ka dhacay Dagaalkii Uxud ee uu Nebi Maxamed cagihiisa saaray waana arrin aad ugu qaaliya Dadka Muslimiinta ah.