|

Wax Badan Ka Ogow Koobka Adduunka Ee Lagu Qabanayo Brazil Oo ay Ka Hadhsan Tahay 99-Maalmood

Maanta Oo Arbaca ah Bishunta Tahay 5-March-2014, waxa Muddo Dhan  99-Maalmood inga Xigaan Xilliga Loo Ballansan yahay inn Koobka Adduunku uu Si Rasmi ah uga Furmo Dalka Brazil.

deaKulanka ugu HOrreeya ee Koobka ayaa Loo Qorsheeyey inuu 12-Ka Bisha June ee Soo Socota  ay Ciyaartiisa ugu horraysaa Dhex Marto Dalalka Brazil iyo Croatia.

 

Brazil oo ah dalkii shanaad ee laba jeer marti geliya Koobka Adduunka, ayaa ku Hanweyn innay ku Guulaysato Markeedii Lixaad.

Xoghayaha guud ee FIFA Jerome Valcke ayaa dhamaadkii Isbuucaa yidhi: “Waxaan ku shaqeyneynaa xaalad ay adag tahay inaan helno shamiinto qalalan. Weli waxaan u baahan nahay inaan garoomada qaar ku xirno qalabka tiknoolajiyadda ee saxaafadda. Haddii aan taas la helin Koobka Adduunka wuxuu noqon doonaa midkii abid ugu xumaa.”

Laakiin FIFA ayaa 99ka maalin ee ka hadhay bilaabashada Koobka Adduunka u aragta inay soo dhowaaneysa dhacdada ugu weyn kubadda cagta adduunka.

Hadaba, iyadoo ay mudadaas gaaban ka dhiman tahay bilaabashada Koobka Adduunka ayaan waxaan idin soo koobi doonaa xusuusaha ugu muhiimsan.

GROUP A

Brazil; Croatia; Mexico; Cameroon.

GROUP B

Spain; Netherlands; Chile; Australia.

GROUP C

Colombia; Greece; Ivory Coast; Japan.

GROUP D

Uruguay; Costa Rica; England; Italy.

GROUP E

Switzerland; Ecuador; France; Honduras.

GROUP F

Argentina; Bosnia-Herzegovina; Iran; Nigeria.

GROUP G

Germany; Portugal; Ghana; United States.

GROUP H

Belgium; Algeria; Russia; South Korea.

GOOBAHA

 

Maracana oo marti gelin doona finalka Koobka Adduunka ee xagaaga

Garoonka caanka ah ee Maracana Stadium ayaa ka mid ah goobaha caanka ah ee lagu ciyaari doono Koobka Adduunka, isagoo qaada in ka badan 200 kun oo taageereyaal ah, waana garoonkii lagu qabtay finalkii Koobka Adduunka 1950kii, markaasoo ay Uruguay guul darro lama filaan ah huwisay Brazil.

KUBADDA

 

Brazuca oo loo isticmaali doono Koobka Adduunka

FIFA ayaa soo bandhigtay kubadda rasmiga ah ee loo isticmaalii doono Koobka Adduunka waxaana lagu magacaabaa ‘Brazuca’.

RIKOOdhKA UGU WEYN

Weeraryahankii reer Brazil Ronaldo – ayaa heysta rikoorka shaqsi ahaaneed ee ugu ilqabadka fiican taariikhda Koobka Adduunka, isagoo 15 gool ka dhaliyey kama dambeysa Koobka Adduunka.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed