Wasiirul Khaarajiga Somaliland Dr. Sacad oo caddeeyey inaanu jirin kulan u qorshaysna Madaxweyne Siilanyo & madaxda Ingiriiska
London 16.October 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin kulan Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo u qorsheysnaa inuu la qaato madaxda xukuumada Ingiriiska, laakiin, booqashiisu ahayd nasasho iyo inuu dadkiisa la kulmo.
Dr. Sacad oo ka jawaabayey su’aal weriye Maxamuud Walaaleye ka weydiiyey warar warbaahinta qaarkood ku sheegeen inaan dawlada Ingiriisku qaabilin Madaxweyne Siilanyo, isagoo ku sugan London ayaa yidhi,
“Ma jirin kulamo uga qorshaysnaa Madaxweyne Siilanyo inuu la qaato madaxda Ingiriiska, mana jirin martiqaad uu ka dalbaday, wuxuu u yimi inuu dadkiisa la kulmo, kuna nasto.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire ayaa hadalkiisa raaciyey, “Markii ugu horeyseyna maaha ee madaxweynuhu sidan oo kale ku yimaado London. Madaxweynayaashu waxay leeyihiin fasax iyo nasasho. Madaxweynuhu dadkiisana wuu arkay fasax nasashana wuu ku qaatay.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire ayaa xalay ka qeybgalay kulan loogu magac-daray Ku-Baraaruga Kheyraadka Somaliland oo wada-xaajood, soona qabanqaabiyeen xirfadlayaasha Somaliland, sida lagu baahiyey eventbrite.co.uk.
Kulanka oo ka dhacay Oxford House, London ayaa lagu sheegay in ardayda reer Somaliland iyo xirfadlayaashu ay ku weydiiyeen Wasiir Dr. Sacad arrimaha bulshada iyo siyaasada, iyadoo si gaar ah diirada loo saaray maalgashiga dibadeed, aqoonsiga iyo siyaasadaha Geeska Africa, siyaasada Arrimaha Dibedda Somaliland, iyo kaalinta qurbajoogu ka qaadan karaan.