Wasiirul Khaarajiga Itoobiya oo Maanta ka qayb galay Shirka Dibu heshiisiinta Jubooyinka
Muqdisho 05.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, Tedros Adhanom ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb-galo xiritaanka shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka ee ka socda magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wasiirka ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka garoonka markii uu soo dagayay wasiirka.
Tedros Adhanom ayaa door weyn oo dhexdhexaadineed ku lahaa heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhex maray dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba dabayaaqadii bishii August.
Shirka ayaa lagu wadaa in la soo gunaanado maanta, waxaana xiritaankiisa ka qeyb-galaya madaxda sare ee dowladda federaalka, wufuud caalami ah iyo madaxda maamulka KMG ah ee Jubba.
Shirka ayaa lagu filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobbada heshiiska. Wejiga labaad ee shirkan ayuu qorshuhu yahay in lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com