|

Wasiirul Dawlaha Wasaarada Maaliyada oo Ka Hadlay Socdaalka Prof Samatar ee Gobolada Somaliland

Hargaysa 22.June (SDN) Wasiiru  Dawlaha wasaarada maaliyadda md. cismaan C/llaahi saxardiid cadaani  ayaa maanta  shir jaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay kaga waramay socdaal  ay Dhawaan ku tageen wefitigii prof. Axmed Ismaaciil Samatar   Gobalada Bari ee Dalka oo wasiiru Dawluhu uu ka mid ahaa.

Wasiiru dawluhu waxa uu sheegay in Dhamaan Goboladii Dalka ee ay socdaalka ku soo mareenin si weyn loogu soo dhaweeyay professorka iyo xubnihii wehelinayay iyada oo goobkastana ay warbixino iyo xogwaran kaga qaadanayeen  maamulada Gobolada , madaxdhaqameedyada  iyo waxgaradka kale. taas oo ay kaga waramayeen degaanada kala duwan ee goboladaas iyo xaaladaha ay ku suganyihiin   ee la xidhiidha dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaan adeegyada guud ee bulshada lagama maarmaanka u ah.

Wasiiru Dawlaha maaliyada mudane cadaani waxa shirkaa jaraa’id uu ku xusay fariin dadka ku dhaqan gobolka sanaag ay bulshada somalilanad ugu jeedinayaan in ay gacan buuxda ka gaystaan dhismaha wadada laamiga ah ee gobolka sanaag sidii sidhakhso ah looga hawlgali alahaa taas oo wasiiru dawluhu ku tilmaamay in ay doorweyn ka qaadanayso isku xidhka gobolada iyo horumarka dalka.

Wasiiru dawluhu waxa uu professor Axmed Ismaaciil Samatar ku Bogaadiyay rabitaankiisa ku saabsan in uu xogogaal u noqdo xaaladah degaanada  dalka iyo socdaalka uu ku gaalaa bixiyay Gobolada.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed