|

Wasiirul Dawlaha Madaxtooyada iyo Madax Kale oo Maanta Soo Kormeeray Wadooyin Dhismayaashoodu Socdaan Sawiro

Hargaysa 22.Jan 2014 (SDN)- Wasiirul Dawlaha Wasaarada Madaxtooyada oo ay Weheliyaan Maareeyaha Hay’ada Horumarinta Wadooyinka Somaliland, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada ayaa Maanta Kormeer Indho Indhayn ah ku Soo Maray Wadooyin Dhismayaashoodu ka Socdaan Gobolada Galbeedka Somaliland.

Mas’uuliyiintani Waxay Socdaalkooda ku Soo Mareen  wadooyinka wajaale ilaa kala baydh, Goraya-cawl iyo inta u dhaxaysa boorama ay ka socdaan dhismiyayaasha wadooyinka,

Sodaalkan oo u jeedadiisu ahayd sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha shaqo loona dhamaystiri lahaa intaanay roobabku bilaabmin iyo sidii la isu waafajin lahaa soo afjarida wadooyinkan ka socda goboladaasi.

Sidoo kale waxay wasiiru-dawlaha madaxtooyada mudane Maxamed Muuse Abees, Maareyaha Wadooyinka Xasan Cali Cismaan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane, Xasan Cabdi Madar waxay soo kormeeren wadooyinka inta la dhamays tiray iyaga oo socdaalkoodu uu ahaa ilaa Boorama si ay xogogaal ugu noqdaan wixii dhaawac iyo burbur ka muuqda jidadka.

Waxaanay warbiximo ka dhegaysteen Engeer-ada faraha ku haya wadooyinkan oo warbixin mugleh ka siiyey siday wax u socdaan hawlaha u yaala sidii ay u dhamaystirilahaayeen mudadaasi ka horaysa Xili Roobaadka .

Ugu danbayntiina waxa ay soo kormeereen Mishiinada Kala-sharka ee soo saara Jayga noocyadiisa kala duwan iyo goobaha caro kaawada looga soo daabulay wadooyinka.

IMG_0239 IMG_0243 IMG_0249 IMG_0260 IMG_0268 IMG_0271 IMG_0272 IMG_0273 IMG_0278 IMG_0290 IMG_0303 IMG_0309 IMG_0325 IMG_0333 IMG_0338 IMG_0357 IMG_0372 IMG_0390

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed