Wasiirro Xukuumaddu u Igmatay Arrinta Suldaan Wabar Oo Natiijo La’aan ah, Saraakiil Madaxtooyadu Qolujeed u Dirtay Oo Faro madhan soo Laabtay iyo Salaadiinta Oo Cadsi Cusub Keensaday
Borama:Dec,12,2013(SDN/QJ)-Jawiga Magaalada Borama ayaan wali isbeddel laga dareemin tan iyo intii uu Suldaan Wabar sheegay inuu qaddiyadda Somaliland dhinac iska dhigay, waxana aan wali natiijo kasoo bixin Kulamo isdaba joog ah oo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u dirtay Halkaas.
Wasiirrada ayaa kulamo badan la qaatay Salaadiinta iyo waxgaradka Reer Borama, waxana laga wada Hadlay sidii laga yeeli lahaa Tallaabada uu Suldaan Wabar ku dhaqaaqay, taas oo aanay wali wasiirradu natiijo la taaban karo ka keenin.
Wararka aanu ka Helayno is aragyadii dhexmaray Salaadiinta Reer Borama iyo xubnaha Wasiirrada ah, ayaa sheegaya in madax-dhaqameedku wasiirrada ka codsadeen in arrinta faraha looga qaado oo aan loo gacan dhaafin suldaanka, taas oo ah mid aanay xukuumaddu, gaar ahaan Madaxtooyadu raalli ka ahayn.
Xogaha ayaa intaas ku daray in Salaadiinta qudhoodu ka cago jiidayaan inay si degdeg ah u galaan arrinta Suldaanka, taas oo keentay shaki madaxtooyadu ka qabto in arrintu sii jiidatanto, maadaama la doonayo in muddo kooban lagu soo afjaro arrintan Bulshada Reer Somaliand ee Wada-jirka ku Noolayd Halista gelin karta.
Cago-jiidka Salaadiinta Reer Awdal iyo xidhiidha ay markii hore xukuumadda la lahaayeen oo aan wanaagsanayn, ayaa keenay in Madaxtooyadu soo abaabusho saraakiil hore xukuumadda xilal uga soo qabtay, kuwaas oo loo diray Deegaanada uu Suldaanku ku sugan yahay, balse wali kuwaas qudhoodu ma ay keenin wax natiijo ah oo la taaban karo.
Shakhsiyaadka Xukuumadda Hore ula soo shaqeeyey ee Halkaas loo diray, ayaa waxa kamid ahaa mujaahid C/raxmaan Awcali Faarax iyo Taliyihii hore ciidaan Somaliland General Cilmi Rooble Furreh .
Taliyahii hore ee ciiddanka General Cilmi Robleh Furre oo isagu gaadhay degmada uu kasoo jeedo ee Quljeed ayaa la sheegayaa in isaga iyo madaxdhaqameedka reer Quljeed isku afgaran waayeen in arinta suldaanka meel looga soo wada jeesto oo la sameeyo xalkasta oo suldaanka looga dhaqayo go’aankii hore ee uu qaatay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Shacabka Deegaanka uu ku dhuumanayo Suldaanku ay isku khilaafsan yihiin Fikirka Suldaanku qaatay, taas oo keentay inaanay xukuumaddu adeegsan Gacan ciidan oo markii hore loogu talogalay in la Hawlgeliyo.
Way adagtahay in la saadaaliyo xaaladdu meesha ay ku dambayndoonto iyo qaabka madax dhaqameedka iyo suldaanku isku afgaran doonaan, waxase dad siyaasiyiin ah oo badani aaminsan yihiin in ay adag tahay inuu suldaanku si sahlan uga laabto go’aanka uu qaatay, xukuumaddana ay arintani ku noqon doonto dhabar jabwayn oo ay kuwaayi karto codad badan xilliga doorashooyinka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com