|

“Wasiirrada wax dhalilayaa waxan ogahay inay guryaha ugu quruxda Badan ay dhisteen, gabdhaha Guryahooda usoo adeegaana mid iyo gaadhi gaar ah leeyihiin,” Boqor Buurmadow

Hargeysa:Jan,29,2015(SDN/QJ)-Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow oo  kamid ah madax-dhaqamedka Somaliland, ayaa ka Hadlay arrimo la xidhiidha Dhaliilo hantilunsi iyo musuqmusuq maasuq la xidhiidha oo dhawaan xubno Golaha Wasiirrada katirsani dusha ka saareen Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

buurmadowBoqor Cismaan oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inaan madaxweynahaasi ahayn nin arrimo noocaas oo kale ah lala xidhiidhiyo, isagoo hoosta ka xarriiqay dedaalkii dheeraa iyo waxyaabihii taariikhda galay ee somaliland usoo qabtay.

Boqor Cismaan Oo Saaxiib dhaw la ahaa Madaxweyne Daahir ayaa ugu horrayn ka hadlay cidda wasiirrada ku dhaqmay tallaabooyinka wax lagaga sheegayo madaxweyne Rayaale, waxana uu yidhi,

“Nin Wasiir ah oo waliba Wasiir culus ah maalintii  la furayey wixii dekedda lagu kordhiyey, waxa uu aflegaadeeyye madaxweynihii hore oo waxyaabo taariikhda galay oo doorashooyin aan cid qaban karaysay jirin qabtay oo dalkakan si dimuqraadi ah oo sharaf badan u horkacay oo wareejiyey.”

Boqorka oo hadalkiisa sii wata ayaa carrabka ku  ballaadhiyey Musuqa ay qaar kammid ah Golaha Wasiirradu kula kacayaan Hantida umadda iyo sida muuqata ee ay xatooyada ugu geysteen dhaqaalihii lagu aaminay, waxana uu  uu tallooyin u soo jeediyey madaxweyne Siilaanyo oo uu kula taliyey inaanu waxyaabahaas aqbalin,

“Madaxweynahan maantu nin musuqmaasuq ah ma aha, laakiin wasiirrada wax dhalilayaa waxan ogahay inay guryaha ugu quruxda Badan ay dhisteen, gabdhaha Guryahooda usoo adeegaana mid iyo gaadhi gaar ah leeyihiin, dhaqaalahana isagu si gaar ah ugu takri falo. Arrinkaana anigu haddaan maanta xilkaas hayo goobta uu taagan yahay ayaan xilka kaga qaadi lahaa.” Ayuu yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow.

Boqor Cismaan ayaa deedafeeyey Hadallo dadka qaarkii ku dhaliilaan Aamusnaanta Madaxweyne Siilaanyo ee Dhinaca Bulshada, waxana uu tusaale usoo qaatay Madaxweynaha Dalka Algeria oo isagoo Kursiga Curyaanka lagu riixayo, hadana doorasho ku guulaystay, waxana uu isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Madaxweynaha waxa laga rabaa waxqabad, Aljeriyana wax aka dhacday doorasho, ninka Bitufliiqana olole ayuu ku jirey, walina inta uu Warbaahinta isasoo taagay muu hadlin, waxana la arkay isagoo Kursiga curyaanka lagu riixayo, muhiimna ma aha in qofka waxqabadkiisa lagu doorto oo aan caafimaadka la eegin.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed