Wasiirrada Madaxweyne Siilaanyo Oo Safaf Dhaadheer Ugu Jira Casuumadda Suldaan Garoowe Ka Yimi, Kumaanaan Dollar-na Ku Baabi’iyey
Hargeysa:Feb,12,2015(SDN/QJ)-Inta Badan Wasiirrada Xubnaha ka ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Maalmihii ugu dambeeyey Safaf dhaadheer u gelayey Casuumadda iyo Ka Farxinta Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud oo kasoo heeda Bariga Sanaag, kaas oo Booqasho ku jooga Magaalada Hargeysa.
Suldaankan oo dhawaanahanba ku foognaa Tallaabooyin ka dhan ah Qaran-nimada iyo iskuduubnida Bulshada Reer Somaliland, ayaa xidhiidh dhaw la samaystay Maamulka Puntland oo uu haatan cadho kaga yimi.
Markii uu Hargeysa Soo Galay waxa bilaabantay Casuumado kala daambeeya oo ay Xubnaha Xukuumadda Wasiirrada ka ahi ku kala hororsanayaan, waxana la Hordhigay Liiska ilaa iyo Labaatan Masuul oo Wasiirro u badan oo doonaya ay casuumado gaar ah u sameeyaan, kuwaas uu dhamaantood ka aqbalay.
Suldaan Siciid, ayaa Hogaaminayey Shirk a dhan ahaa Somaliland oo badhtamaha Sanadkii dhamaaday lagu qabtay Degmada Xiingalool, kaas oo uu ay dabada ka riixaysay Puntland, waxana uu dhawr jeer hoggaaminayey Soo dhaweyn Madaxweyne Gaas loogu sameeyey Deegaano Fogfog oo Beeshiisu degan tahay.
Casuumadahan ayaa noqday Qaar lagu lumiyo oo lagu burburiyo Hanti fara badan oo lagu hirgelin lahaa arrimo kale oo ka manfac badan Soo dhaweynta Suldaankan danihiisa wata ee aan wanaagga u haynin somaliland, waxana arrintani noqotay mid si weyn dalka looga Hadal hayo.
Sidoo kale waxa uu Suldaaanku Haatan ka hor yimi Magaalada Hargeysa intii ay xukuumadda Kulmiye Jirtey, waxase uu ka Baxay isagoo aan natiijo ka gaadhin ballamo kala duwanaa oo uu la lahaa Madaxda dalka.
Ma jiro wax horumar la taaban karo oo Wasiirrada kasoo jeeda Bariga sanaag iyo Suldaankan midkoodna uu u ka sameeyey Deegaankaas, waxana ka jira Dibu dhac ballaadhan oo keenay In maamulka Puntland quluubta dadkaas ka faa’iidaystaan.
Dhawaan ayaa la filayaa inuu Suldaanku sii wato Casuumadaha uu la leeyahay Golaha Wasiirrada oo aan wali fari ka qodnayn, waxana ugu dambayn doonta Mid weyn oo la filayo inuu Madaxweyne Siilaanyo u fidin doono, iyadoo Madax dhaqameedka Qudhoodu ay casuumaddoodu soo socot.
SDN/QJ