Wasiiro uu ka mid yahay Duur oo soo jeedimo laga hoos qaadi waayay
Hargeysa April 21,2012(SDN)-Xubno ka tirsan gollaha wasiirada Somaliland oo isku heyb ay yihiin guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga Kulmiye ee sida godabtu ku dheehneyd xilka looga qaaday ayaa soo jeedimo ay la hortegeen xukuumada ay ka tirsan yihiin laga hoos qaadi waayay.
Wasiirada oo uu horkacayay wasiirka arrimaha Guddaha Somaliland Md Maxamuud Caraale Duur,isla markaana ay ka mid ahaayeen Wasiirul dawlaha Maliyada Cismaan Cabdilahi Saxardiid Cadaani iyo qaar kale ayaa wejigebax kala hoyday kulankaa.
Wasiirada ayaa sheegay in xukuumada ay la gudboon tahay in ay jawaab ka bixiso sidii wax u dheceen oo aan la dheyelsan halka xaal marayo.
Balse Sida ay ilo wareedyo ku dhaw dhaw xukuumadu ay soo tebiyeen waxa wasiirada loogu Jawaabay in dhawaaqyada soo yeedhaya ay sida xunbada iska engegi doonaan dhawaan.
Xukuumada Axmed Siilaanyo ayaan ilaa iyo haatan wax jawaab ah ka bixin sidii xilka looga qaaday Guddoomiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo haatan xaalad caafimaad u jooga dalka UK.
SDN-Hargeysa