Wasiiro Soo Saaray Amaro Lagu Xakamaynayo Shidista Dhuxusha, Kulana La Qaadatay Shirkadaha Tamarta DAAWO
Hargaysa 21.Oct 2015 (SDN/QJ)-Wasiirrada Wasaaraddaha deegaanka, macdanta iyo tamarta iyo ganacsiga Somaliland, ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada shirkaddaha tamarta, waxaanay isla qaateen sidii meesha looga saari lahaa shadashada dhuxusha oo ay bulshadu u isticmaali lahayd gaasta.
Wasiirka deegaanka Marwo Shukari X. Ismaaciil Bandare oo kulankaasi ka dib warbaahinta la hadashay ayaa digiin u dartay dadka jara dhirta ee u bedela dhuxusha, waxaanay sheegtay inay sharciga la tiigsan doonaan cid kasta oo lagu arko iyadoo dhuxul iibinta islamarkaana Guddoomiyeyaasha iyo maamulada degmooyinka lagala xisaabtami doono.