Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda oo Ku Haftay Sababta ay Xukuumadu uga Aamustay Xadhiga Weriye Mukhtaar Nuux Ibraahin Iyo Siday u Arkaan Falkii ka Dhacay Tuulada Jaamac Dubad DAAWO
Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):-Wasiiradda Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade iyo Warfaafinta Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani oo Hawlo Shaqo ugu Kicitimay Gobolada bari ee Somaliland ayaa isku Tuur tuuray Su’aal laga weydiiyay Sababta ay Xukuumadu uga hadli weyday Xadhiga ay Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya kula Kaceen Weriye Mukhtaar Nuux Ibraahin oo Telefishanka HCTV uga soo warami jiray Gobolka Gebilay Isla markaana Ciidamada Liyuu boolis ay qaab Shirqool ah uga Kaxaysteen Magaalada Tog wajaale ee Xuduuda Somaliland iyo Itoobiya.