Wasiiro ka Hadlay Baahida loo Qabo sidii Shaqo abuur loogu samayn lahaa dhalinyarada
Hargaysa 07.Aug (SDN) Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa Shahaadooyin ku Gudoosiiyay Maanta Huteelka Hadhwanaag ee Caasimada Hargaysa 41 arday oo Mudo afar bilood ah ay Tababaro kala duwan siinaysay Hay’ada Horn Peace ee Nabada Geeska.
Mashruuca ay ardaydani ka Qallin Jebiyeen oo lagu Magacaabo Dib u Habaynta dhallinyarada ee Caasimada,Gaar ahaan kuwa aan Nasiibka u Helin inay Waxbarasho helaan,waxaa Maalgelisay Hay’ada Caalamiga ah ee UNDP,Waxaana Fulisay Hay’ada Nabada Geeska.
Munaasibada Qallin Jebinta 41-ka arday waxaa kale oo ka qayb galay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga,Saraakiil ka socotay Hay’adaha ILO iyo Havayoko,oo Tababaro kale oo dhinaca Xirfada ah siin doona ardaydaas.
Madaxa Mashruuca Dhaqan Celinta Dhalinyarada ee Hay’ada Nabada Geeska Cabdi Yuusuf Xuseen oo Madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha uu tababarkani ugu fadhiyo da’a yarta ka faa’iidaysatay, Waxaanu Xusay inay barteen Wax barashada Aasaasiga ah,Barashada Luuqadaha,Culuun la xidhiidha Dawlad Wanaaga,Ilaalinta Nabada,Xallinta Khilaafaadka iyo kuwo kale.
Masuulkani Waxa uu Intaas ku daray inay Wareejiyeen dhalinyaro aqoonta Jecel Isla markaana niyad u haya inay Wadankooda horumarkiisa qayb ka qaataan.
Sarkaal u Hadlayay Hay’ada Caalamiga ah ee ILO ayaa Sheegay in qaybta labaad ee Mashruucan oo ah Sidii dhalinyarada loogu samayn lahaa Xirfado ay ku Shaqeeystaan ay fulin doonto Hay’ada Wadaniga ah ee Havayooko,Mas’uulkani waxa uu Intaas ku daray in dhallinyarada ka qalin jebisay Mashruucan inaanay u qaadan kuwo dhamaystay aqoontii balse ay halkaasi ka sii wadaan dadaalkooda.
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Bashiir Cabdi Xariir ayaa Tilmaamay in hadii aan wax soo saar la samayn ay Joogsanayaan sida uu Yidhi Mashaariicda dhinaca Horumarka .
Wasiir ku Xigeenku Waxa uu Sheegay in doorka Xukuumadu uu yahay Sidii ay u Dhiirigalin lahaayeen Mashaariicda noocan oo kale .
Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo Gaba Gabadii Munaasibadaas ka Hadlay ayaa tilmaamay in Wadan kastaa uu Horumarkiisu ku Xidhan yahay kolba heerka ay Dhalinyaradiisu ka taagan tahay Kasbashada aqoonta,Waxa uu Wasiirku ku dheeraaday baahida loo qabo sidii ay da’a yarta Somaliland u baran lahaayeen Xirfado ay ku Shaqaystaan .
Mudane Cali Siciid Raygal waxa uu Mahadnaq u Jeediyay Hay’adaha UNDP,iyo ILO oo Mashruucan Maalgaliyay iyo Sidoo kale Hay’ada Wadaniga ah ee Horn Peace oo fulisay tababarkan, Wasiirka Ciyaaruhu waxa uu Sheegay in baahi weyn loo qabo sidii dhalinyarada loogu samayn lahaa Xirfado ay Noloshooda ku Maareeyaan.
Gunaanadkiina waxa uu Wasiirku Shahaadooyinkii Gudoonsiiyay ardaydii Mashruucaas ka qalin Jebisay,Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Mas’uul ka Tirsan Hay’ada Havayooko oo soo dhaweeyay inay la wareegaan ardaydan isla markaana ay ku rajo weyn yihiin inay ka wada Midho dhaliyaan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com