|

Wasiiro Iyo Taliyayaal Ka Tirsanna Xukuumadii Daahir Rayaale Iyo Xukuumadda Siilaanyo Oo La Filayo Inay Ku Biiraan Xisbiga Waddani

Hargaysa 22. February 2016 (SDN/QJ):- Magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Gabiley, ayaa waxa si wayn looga dareemayaa maalmihii u dambeeyay qabanqaabada xaflada miisaan culus oo uu xisbiga mucaadka ah ee Waddani ku soo dhawaynayo masuuliyiin hore xilal sar sare uga soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadda madaxweyne siilaanyo, kuwaas oo la filaayo inay si rasmi ah ugu biiraan xisbiga waddani todobaadkan guddihiisa.

Photo Fille

Photo Fille

Munaasabadan oo lagu waddo inay todobaadkan guddihiisa ka qabsoonto Magaalada Hargeysa, ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee nooceeda ee xisbiga Waddani ku soo dhawaynayo masuuliyiin, waxaanay kaga gedisantahay kuwii  hore uu xisbigu  ugu soo dhawayn jiray masuuliyiinta ku soo biiraya, tan waxa weheliya Taliyihii hore ee ciidanka qaranka Somaliland General Maxamed Xasan jidhif, kaas oo la sheegay inuu dhawaan shaaciyay inuu ku biiray xisbiga waddani,waxaana xusid mudan inuu janaral Jidhif ka mid yahay weftiga Guddoomiye Cirro ku weheliya socdaalka samawade,waxa kale oo la sheegay inay dadka munaasabada soo dhawaynta ah loo samaynayo ay ka mid yihiin Wasiiro hore uga tirsanaa xukuumadda Siilaanyo iyo xukuumaddii horre ee madaxweyne Daahir Rayaale.

Comments are closed