|

Wasiiro Itoobiyaan ah oo Muqdisho u tegay ka mid ahaanshaha AUSSOM

Muqdisho (QJ) -Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Mas’uuliyiin kale ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Saraakiishan, ayaa waxay Dowladda Federalka Somaliya kala hadli doonaan joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Somaliya, xilli uu bilaabmay hawlgalka AUSSOM.

Dowladda Itoobiya ayaa ku dadaaleysa in ay sii joogteyso joogitaanka ciidamadeeda Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka AUSSOM.

Itoobiya ayaa ku doodeysa in joogitaankeeda Soomaaliya ay ka caawineyso in xuduudeeda ay ka difaacdo weerarada Al-Shabaab.

Imaatinka wafdigan ee Muqdisho ayaa imaanaya xilli dowladda Soomaaliya ay horay uga saartay Itoobiya howlgalka AUSSOM.

Leave a Reply