Wasiiro beeniyay in Somaliland aanay ka Jirin Sabab Nabadgalyo daro oo sababi kara in Shirkadaha Maalgashi ka baxaan
Hargaysa 11.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta md. c/llaahi maxamed Daahir cukuse oo uu weheliyo wasiiru dawlaha wasaarada maaliyada md.cisman c/laahi saxardiid cadaani ayaa shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah ugu qabteen xarunta wasaarada warfafinta waxa ay caddeeyeen in aanay jirin wax nabadgalyo daro ah oo sababi kara in ay dalka ka baxaan shirkadaha maalgashiga iyo ganacsiga dalka ka wada.
Shirkaa jaraaaid waxa wasiirka warfaafintu ku sheegay in maalmihii u dambeeyay mucaaradku yool ka dhiganayeen shirkada sahanka shidaalka ka waday gobolada dalka iyo baaqashadii koobnayd ee diyaarada itoobiyaan Air-Line.
Md Cukuse oo ka hadlayey diyaaradaa itoobiya waxa uu sheegay in uu hadda socdo wadahadal u dhexeeya labada wadan ee jaarka ah iyadoo wefti ka tirsan xukuumada Somaliland ay u joogaan dalka Itoobiya hawlo ay ka mid tahay arintani, lana rajaynayo in is afgarad laga gaadho, isagoo wasiirku adkeeyey in arinta shirkadda diyaaradaha ee baaqatay aanay ahayn arrin siyaasadeed ee ay tahay oo keliya arrin ganacsi.
Dhanka kalena Wasiirka wasaaradda warfaafinta oo ka hadlay arimaha shirkadda sahaminta shidaalka ee bariga Somaliland waxa uu sheegay in uu xiligan magaalada London ka socdo shir balaadhan oo wasiirada arimaha dibada iyo macdanta ee Somaliland la leeyihiin madaxda shirkadda shidaalka ee Genel Energy isla markaana aanay ka hor dhacayn natiijada wadahadaladaasi.
Md cabdilaahi maxamed daahir Cukuse waxa uu buunbuuninta labadan arimood ay mucaaradku uga dan leeyihiin inay dalka ku tilmaamaan xasilooni darro aan ka jirin.
Wasiiru dawlaha wasaarada maaliyada md.cisman c/laahi saxardiid cadaani oo dhankiisa ka hadlayey shirkaa jaraa’id waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka xuntahay xanibaadda ku dhacday dadkii rakaabka ahaa ee ay qaadi lahayd shirkadda itoobiyaan air-line, waxana uu ka codsaday shirkadaasi inay maareeyaan xaaladda dadkan oo gaadhsiiyaan meelihii ay ka yimaadeen ama u socdeen.
Wasiirul dawlahu waxa uu mucaaradka ku eedeeyey inay dalka ka bixinayaan sawir gurracan oo aan ka jirin dalka, kaasoo shakki ku abuuri kara muuqaalkii nabadgelyo ee Somaliland ku soo caano maashay mudada dheer.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com