|

Wasiiro-Arrimo-dibadeedyada Dalalka Kenya Iyo Ethiopia Oo Gaadhay Caasimadda Maamul-goboleedka Jubba Land

Kismayo:May,07,2015(SDN/QJ)-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Kenya iyo Ethiopia, ayaa Goor dhaweyd soo gaadhay Magaalada Kismayo ee Caasimadda Maamulka Jubba Land, iyadoo la filayo inay ka qaybgalaan Caleemo saarka Baarlamaan Maamulkaasi dhawaan dhistay.

direSocdaalka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Kenya Arrimaha Dibadda Dowladaha Kenya Marwo Aamino Maxamed Iyo kan Ethiopia Tedros Adhonom halkaas ku yimaadeen ayaa ahaa qaar qarsoodi ah oo wax war ah laga sii haynin.

Wafdigan ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa kusoo dhaweeyay madaxda maamulka Jubbaland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha maamulka Axmed Madoobe iyo gollaha wasiirada Jubbaland.

Wafdigan ayaa kulamo hor dhac ah garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kula qaaatay madaxda maamulka Jubbaland.

Sidoo kale waxa la filayaa inay Waftigani kulamo gaar ah la qaataan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga laftiisu halkaas ku sugan.

Labadan dal ee Kenya iyo Ethiopia, ayaa si gaar ah xidhiidh dhaw ula leh Maamulka Jubba land, waxana taas daliil u ah sida ay waftiga heerka sare ah ugu soo direen Caleemo-saarka Baarlamaanka Maamulkaas, iyadoo wali aanay jirin wax wafti ah oo Dawladda Djibouti oo kamid ah Dawladaha Derisku usoo dirtay Halkaas.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed