“Wasiirku intuu laabta iska garaacay ayuu yidhi anigu nin Axmed Garaad ah baan ahay, annaguna dee waayahaye Haddii aad sharcigii iyo xukuumaddii Meesha ka Saartay Niman Maxamed Abokor ah Baanu nahay ayaanu ………..” Xildh. Xiris Raygal
Hargeysa:20-Feb-2014(SDN)-Xildhibaan Xirsi Raygal oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Qorilugud ayaa ku Eedeeyey Wasiirku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Saleebaan Garaad Soofe iyo Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglo toosiye inay Xoog ku haystaan lacagtii kabka Ahayd ee Dawladda dhexe siiso Dawladaha Hoose.
Xildhibaan Xirsi ooh al Habeen oo xadhig ah arrintan ku Mutaystay oo waraysi gaar ah siiyey Shabakadda Qurbejoog.com ayaa Arrinta muranka ka dhex dhalisay Golayaasha Deegaanka Ee Gobolka Buuhoodle iyo Degmada Qorilugud eedeeda dusha ka saaray wasiirrada ka soo jeeda Gobolka Buuhoodle, waxana uu si Gaar ah u xusay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Saleebaan Cismaan Garaad Soofe oo uu sheegay inuu si cad oo badheedh qabyaalad ugu sheegtay.
“Markii Lacagtan lagu murmay waxanu isula Tagnay wasiirka Arrimaha Gudaha, waxana uu yidhi Saddex meelood u qabiya lacagta oo oo laba Buuhoodle siiya midna qaata, taana waanu aqbalnay, laakiin wasiirku xigeenka Wasaaradda ayaa noo yeedhay oo yidhi Wixii wasiirku yidhi waa laga Guuray, go’aan baanu soo Saarnay aniga iyo saddex wasiir oo kale oo dhulbahante ahi, annaganu waxanu nidhi Adiga iyo Saddex wasiir oo dhulbahante ahi kuma Qancayno Go’aan ay soo saareen kuma qanci karno, mar Haddii ay kuwan aanu is haysanaa ay dhulbahante yihiin afar wasiir oo kale oo dhulhabante ahina ay arrinta soo saareen yeeli mayno wax aan amarkii waasiirka ahayn oo aanu yeelaynaana ma jirto” ayuu yidhi Xildhibaan Xirsi
Xildhibaan Xirsi oo mar kale faahfaahin ka Bixinaya dhaqankii ay wasiirku xigeenka kala kulmeen ayaa yidhi,
“intuu kacay oo miiska nagu garaacay ayuu yidhi Hadaa qaadan weydaan iyagaan ugu darayaa, intuu laabta iska garaacay ayuu haddana yidhi anigu nin Axmed Garaad ah baan ahay, dee waayahaye Haddii aad sharcigii iyo xukuumaddii Meesha ka Baxday annana Niman Maxamed Abokor ah Baanu nahaye u saar Haddaad u saari Karayso Lacagtaas. Halkaasaana uu Afku nagaga xumaaday oo xadhigaygu ka yimi.”
Xildhibaan Xirsi ayaa sidoo kale sheegay in xadhigooda ay ka dambeeyeen Wasiirku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Caafimaadku, waxana uu xusay in Xildhibaanada Haatan lacagta ku murmaya ee Buuhoodle sheeganayaa ay Albeerkooyin Hargeysa ku yaalla ku jiraan oo lacagtaas ku masaarifaystaan, waxana uu yidhi,
“ annagga cidda na xidhay ma aha Xildhibaanadii aanu is haynaye waa Labadii Wasiir ee Buuhoodle, nimankan lacagta nagu Haystaa waxay ku Jiraan Albeerko Hargeysa ah, marka ay Afarta bilood dhamaadaan ayey soo Kacaan oo ay yidhaahdaan Kabkii Baanu Doonaynaa, annaguna dalkii iyo deegaankii baanu ka shaqaynaynaa.”
Lacagtan la isku Haysto ee kabka ah ayaa ah lacagto urutay muddo sanad iyo afar bilood ah, waxana qiyaasteeda lagu sheegay 240,000000(laba boqol iyo afartan milyan), waxana si weyn u gacan-togaalaynaya wasiirrada ka soo jeeda Gobolka Buuhoodle oo si gaar ah ugu naasnuujiya rag Hargeysa Jooga oo aan tegi Karin Gobolkii iyo Dadkii loogu talo galay in Lacatan wax loogu qabto.
S.D.N