|

Wasiirkii Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee xukuumaddii Rayaale oo soo bandhigay 17 Qodob oo ay ku fashilantay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, akhri waraysi faahfaahsan

Geneva 13, August 2013 (SDN)- Wasiirkii qorshaynta iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah ee xukuumadii UDUB Md. Cali Ibrahim Maxamed (Cali-sanyare), ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay musuq oodaha goostay, eex, tabashooyin is biirsadya oon waxba laga qaban, kala-qaybinta qurbejoogta iyo madmadow galay madaxbanaanida Somaliland.

Md. Cali-Sanyare, oo isagoo jooga dalka Switzerland xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu dhaliilaha xukuumadda ku soo koobay 17 qodob, isagoo taageero u muujiyay golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka.

Ugu horayn isagoo Cali-Sanyare ka hadlaya golaha wada tashiga, wuxuu yidhi; “Waxaan is leeyahay dhawaaqa ka soo yeedhay golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka inuu yahay mid runta ku dhaw, si dhab ahna uga tarjumaaya dareenka inta badan ee bulshadeena. Waxa xaqiiq iyo marag ma doonto ah in maalintii xukuumada maanta jirtaa ay timi inay la kawsatay tabashooyin badan oo bulsho oo ilaa hada qaar badan oo ka mid ah aan la xalin kuwaas oo ay ka mid ayhiin 17-kan qodab ee hoos ku qoran.

1-Musuq maasuq baahsan oo u muuqda mar marka qaarkood in la xalaashaday aad moodo.

2-Eex Qaawan oo aan wax ka qabasho lahayn.

3-Hay’adihii aas’aasiga ahaa ee af ka hadalka(Warbaahinta) ee xoriyada iyo cabiraada qofka oo lagu tuntay,halkoodiina lagu badalay Cabudhin,Caga-juglayn,Xidhida Saxafiyiin Badan,madax Dhaqameed iyo Abwaaniin,albaabada oo loo laabay wargeys caan ah,waxaanay talaabooyinkan ay warbaahinta iyo xoriyatul qawlka ay kula kacday ay xukuumadu hoos ugu dhigtay meeqaamkii Somaliland ay ku lahayd caalamka iyada oo la sintay Somaliya.

4-Toosinta iyo tilmaamaha haldoorka Somaliland ee is xilqaamay oo ficilkooda loo arko mucaarad siyaasadaysan iyo qaran dumis,taas oo kala qaybsanaan iyo kalsooni daro kala dhex dhigtay bulshada caafimaadka qabta qaarkood iyo xukuumada.

5-Shaqo la’aantii dhalinyarada oo barnaamij wax qabad oo muuqada aan lahayn,waxaany niyad jab iyo murugo ku riday bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan dhalinyaradii isbadalka siyaasadeed  keentay.

6-Dhalinyarada Somaliland oo tahriib ku dhaqaaqday markay kalsoonidii ay xukuumada ku qabeen ay dhamaatay.

7-Barnaamijkii waxqabad ee doorashadii madaxtooyada ka hor dadka loo soo bandhigay oo beenoobay codkoodiina lagu xalaashaday,kaalintii barnaamijkaasna waxa badalay wax qabad xukumadeed oo runta ka for  oo warbaahinta lagu soo baahiyo.

8- Waxa fashilmay qorshahii waxqabadka ee shanta sanadood   markii xukuumada laftigeedu  ay ku dhawaaqday in labadii sanadood ee u horeeyay aanay waxba ka hir galin qorshahaas ayna xukuumadu ku canaantay in bulshada caalamku inay ka dhaga adaygtay maaliyadii loo baahnaa ilaa hadana cabshadaas waxba iskamay badalin.

9-Cadaaladii guud ee dalka oo ay bulshadu u haysato in maamul xumada dawladu ay dhaawacday.

10-Maamul-wanaagii la filaayay laguna balan-qaaday oo lagu hungoobay.11-Wada tashigii isku tanaasulkii iyo isku dul qaadashadii ay Somaliland ku caano maashay oo daaqada ka baxay,hal keediina lagu badalay kaalay wax nala qaado iyo caga juglayn.

12-Xadgudubyo iyo dhacdooyinka qaarkood oo bulshada Somaliland ku yimaada ayna la’yahiin meelahii ay uga caban lahaayeen ee ka masuulka ahaa.

13-Cashuurahii dadka looga tudhi jiray ee marka la kordhinaayana intay qaadi karaan lagu qorshayn jiray ayaa hadda sanad walba la laban laabaa ama la sadex jibaaraa taas oo culays aan la qaadi karin u keentay Ganacsatadii,Warshad laydii iyo beeralaydiiba,iyada oo nasiib darada weyna ay tahay maxaa looga faa’ideeyay bulshada cashuurtaas la kordhiyay oo aan ahayn madaxtooyada iyo wasaaradihii oo miisaaniyad dheeraad ah hela.

14-Siyaasadii cadayd ee lagu caana maalay ee lagu waday inay dhawaan midho dhasho ee ku taagnayd madaxbaanida iyo gooni isku taaga Somaliland oo mad madaw galay taas oo ay keentay xukumadani oo ilaa hada aan u soo bandhigin istaraatijiyad cad oo lagu qanci karo.

15-Olalayaashii iyo xod-xodashadii  bulshada caalamka oo iyaduna daaqada ka baxday  laguna badalay xod xodashada Somaliya oo kaliya,waxa kale oo faraha laga qaaday hawlahii ay hayeen saaxiibada Somaliland ee inagala shaqay nayay ictiraaf raadinta Somaliland kuwaas oo ka koobnaa mudanayaal Baarlamaan,Siyaasiyiin iyo Wasiiro dawladeedba .

16-Midnimadii qorba joogta Somaliland oo la diciifiyay markii gacmo kale oo aan ahayn ta wasaarada dibada oo siyaasadaysani ay soo galeen lana maamuleen wasaarada arimaha qurba joogta,waxa iyaguna isku duubnidii qurba joota kala tuuray wufuuda xukuumada ee dalalka dibada u safra kuwaas oo qaarkood ay caadaysteen shirarkay ku qabtaan dibada  inay soo urursadaan oo kaliyaata kuwa xisbigooda ka soo jeeda oo kaliya si ay u soo duubtaan cajalado loogu sacbinaayo amaana loogu soo jeedinaayo xukuumada oo ay faankooda ku darsadaan.

17-Nidmaankii loo raacay doorshadii dawladaha hoose oo cadaalad daro ka muuqatay laguna fashilmay  oo dhaawacdayna hab socodkii dimuqraadiyada ee Somaliland taas oo niyadjab ku riday shacbigii Somaliland.

Dustuurka Somaliland waxa uu golayaasha sharci dajinta awood buuxda u siinayaa dabagalka wax qabdka xukuumada iyo  la xisaabtankeeda,waxa nasiib daro ah golayaashaas oo ka gaabiyay shaqadoodii dastuuriga ahayd isuna badalay golayaal shaanbadeed oo u fududeeya uun codsiyada xukuumada uga yimaada.

Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare)Waxaan xukuumada kula talin lahaa in aanay ka war-wareegin wada-hadalka laga codsaday, waxaany xukuumadu ku darsan kartaa qodobo kale oo ay xiisaynayso, xukuumadu ha ogaato in qarnigan aynu ku jirnaa uu yahay kii bulshada  iyo xuquuq raadintooda,lagana baxay wakhtigii xukuumaduu ay dhagaha ka furaysan jireen dhawaaqa shacbiga xoogna ay ku maquunin jireen, waana inay xukuumadu eegtaa hareraheena iyo waxa ka socda,waxa markaas u wanaagsan xukuumadan ay dadku ku keeneen qaab dimuqraadi ah inay iyaduna ula dhaqanto qaab dimuqraadi ah oo cid kasta oo maamul toosin iyo talo laga faa’idi karo ay gacmo furan ku soo dhawayso,waxa loo baahan yahay wada hadal xalaal ah,waxa waajib ah inay xukuumadu u garwdo qofkasta oo xaqa ku adimaaya,dalkana la wada ilaashado horumarka bulshadana laga wada shaqeeyo.

Geeska

Comments are closed