Wasiirkii Hore ee Madaxtooyadda oo Qodobeeyay asbaabaha dhiirigeliyey Tahriibka Kuna baaqay in Xalkeeda loo Midoobo
Hargeysa, 25 April, 2016-(SDN/QJ):– Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay masiibadii dhawaan dhallinyarada reer Somaliland ku halaagsameen kadib markii ay doontii ay ku tahriibayeen ku degtay Biyaha u dhaxeeya dalalka Masar iyo Giriigga .
Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali ayaa sheegay xanuunka ay arrintaasi leedahay umadda iyo qarankana guud ahaan uga tacsiyeeyey isaga arrintaasi ka hadlayana waxa uu Ex Wasiir Xirsi yidhi: “Waxaan umaddeena reer Somaliland uga tacsiyeynayaa dhibaatadii ka dhaday Badda Masar. Qalbigaygu waxa uu aad ula jiraa ehelkii gaar ahaan dadkaasi ka baxeen iyada oo ay dhammaanteen innaga wada baxeen. Ilaahay sabir iyo iimaan ha innaga siiyo cawil khayr qabana ha innoogu badalo. Geeridu waa xaq, waxa uun daran qofku qaabka uuu u geriyoodo iyo duruufta uu ku baxo. Waa arrin aan is leeyahay eeddeeda iyo dayacadeeda dhammaanteen waan u dhannahay.
Waa arrin aanan imika jeclayn in aan cid ku tilmaamo oo aynu wada leenahay. Am doonayo in aan cid gaar ah ku eedeeyo ama aan ku xagxagto waayo waa dhib soo gaadhay qarankayga iyo dadkayga. Waa arrin soo gaadhay qoyskaygii iyo umaddaydii oo sidaa ay innooga wada dhaxayso ayaynu eedeeda u wada leenahay. Ma lihi ciddaasaan waxba ka qaban anba markii aan xukuumadda joogay waa la tahriibayay. Ka mucaaridka ah ee bannaanka joogaana waa arrin aanu waxba ka qaban loo xal keenay ama fikifr keenay. Ma jiro qof wax xal ah la yimid oo aafadaa innaga baajiyaa sidaa darteed waa masuuliyad inna wada saaran”.
Dhinaca kale Wasiirki hore ee Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ka hadlay xalka uu u arko tahriibta iyo sida aynu wax uga qaban karno ama innala gudboon wakhtigan waxaanu yidhi: “La Yaabi maayo waalidka oo beerkiisiibaa bannaanka yaalla in uu lacag u diro la yaabi maayo. Dhibaatadaasi in badna ayay innagu soo noqnoqotay waxaanan dhallinyarada leeyahay walaalayaal waxba laga faa’iidi maayo dhibkaasi haddii aad ku fikiraysaan in aad dib u martaan oo aan sii waddaan, halaga waantoobo, ma jirto cid ku hodmaysaa, ma jirto cid tahriibta wax ka soo qabsanaysaa. Kuwii hore ee tagay ayaan faa’iido ka gaadhin mana jirto cid guul ka keenaysaa ee waan aaminno dalkeena. Waxaan arkayay dad meelahaa ka lahaa talo qaran ayaanu ku baaqnay, waxaan leeyahay waar horaa loogu baqay oo waxba kamaynaan keenin aan samayno wax cusub oo xal keeni kara.
Waxaanan leeyahay arrinkan waxaa sal u ah ta koowaad oo ah baahi. Dabcad beehi ayaa keenaysa in la dhaqaaqo la dafiri maayo, ta labaadna waa waddaniyad xumo iyo waddankeenii oo aynaan aaminayn. Ta kale waa diinta oo waxa aynu illaawaynaa aayaddii ahayd waar nafihiina halaag haku tuurina. Haddii uu qofku diin leeyahay waa in ay diintiisu qabato iyo iimaankiisu. Ta afraad waxaan odhan karaa runtii waa baaqa beenta ah ee dibadda uga imanaya dhallinyarada ee looga soo dirayo dhaqaalaha ee lagu dhiirri galinayo ee marka ay halkan yimaaddaan magacyo loogu bixinayo. Ta shanaad waxaan u arkaa tayadii aqoonteena oo hoosaysa.
Waynu dadaalnay balse wali tayadii aqoonta waxbarashadeena ayaan ahayn sidii la rabay waxaana ardaydeenii ka maqan xirfadihii iyo tayadii aqoonta”. Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa masuuliyiintii ugu waxqabad fiicnaa xukuumadda.