|

Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada oo Sheegay in Heshiiska DPW uu Yahay Kii ay Diideen Xiligii uu Wasiirka ahaa,Halkuu Marayaa Wada hadalkii u Socday iyaga iyo Waddani

Hargaysa 06.July 2016 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan  ayaa ka hadlay heshiiska lagu maal-galinayo dekeda Berbera iyo wadda hadaladii ay kula jireen xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani Iyo Ucid.

xirsiXirsi Cali Xaaji Xasan oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay kala duwanaanshaha ka muuqda heshiiska ay xukuumadu gashay ee lagu maal gelinyo dekeda Berbera iyo mid xukuumadu diiday  wakhtigii uu wasiirka madaxtooyada ahaa.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlaya heshiiska dekedda Berbera ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Sidii aan hore uga hadlay waxaan qabaa aragtida ah in dekedda la horumariyo oo dekeddu waa hantida ugu muhiisan ee somaliland, waana hawlbawle oo waa meeshii ummadda wax u soo marayeen, waynu u baahanahay in dekedda la horumariyo, kuwo kalana la dhiso si horumarka dalku u dhamaystirmo, waxa kale oo aan qabaa in heshiiska dekedda ee la galaya uu cad yahay oo aanu madmadaw ku jirin, waxaa ii muuqatay in heshiiska imika la galay intaan ka arkay uu yahay mid koobaan laakiin heshiiskii weynaa ma’aan arag haddii uu jirana in umada loo bayaamiyaa waa sax, haddii kalana heshiis weyn ayaa fiican oo leh, sidii aanu barigii hore u waydiinayba soo jeedintii ganacsiga shirkadda iyo heshiiskii oo koone waliba cad yahay oo waliba maadama aynaan innagu aqoonteedii u bislayn oo aynaan lahayn  waa in dhawr meelood laga eego, waa in sharci yaqaanno loo bandhigo, waan in khabiiro dekedaha ah  loo bandhigo, waa in loo bandhigo injineerro  farsamayaqaano ah si aan la’ inoo qaldin, markaa innaga oo dhammaan isku waafaqsan  oo aanu qofna diidanayn in dekeda la horumariyo hadana waxa muhiim ah in aan la’ ina cawarin ee aynu helno horumarkii aynu u baahnayn  oo aanay noqon inaynaan hadhaw ku dhibaatoonno, heshiis caalamiya oo aad galaysaana ma hawl yara  inta uu maanta joogana waa inuu yahay heshiis layska hubsaday  oo aan mad madow ku jirin oo cad, waanan qabaa fikirka ah in la horumariyo dekedda”

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo aanu wax ka waydiinay kala duwanaanshaha ka muuqda heshiiskii ay xukuumadu diidday wakhtigii uu wasiirka madaxtooyada ahaa iyo heshiiska ay hadda gashay ayaa waxa uu ku jawaabay “Waxaan u arkayey inay isku nooc yihiin, way jiraan waxyaalo yar yar oo laga badalay  laakiin aanu wax badani ka badalnayn, barigaasna waxaanu ku xidhnay inay keenaan heshiis dhamaystiran iyo soo jeedintii ganacsigooda iyo qorshahooda oo aanaan ku gali Karin heshiis yar  oo kooban oo toban warqadood ah, markaa waxaan arkayey inaan wax badani ka badalnayn, waxyar oo ka badalina way jiraan laakiin wax badan maaha, markaa waxaan u arkaa in heshiis cad oo leh qorshihii ganacsiga  iyo soo jeedin oo dhamaystiran sidoo kalena leh la-taliyayaashii loo kiraysan lahaa, barigii iigu danbaysayna waxaanu doonaynay in la helo sadex qolo oo kala ah, sharciyaqaan dekedaha yaqaana iyo shuruucda dibada kuna xeel dheer sharciyada caalamiga ah ee la galayo, sidoo kale in la helo khabiiro ku xeel dheer dekedaha oo aqoon saayida u leh iyo in la helo injineero dekedaha yaqaana oo heer caalami ah, marka intaas la helana  waa inay iska celin karaan sharci yaqaanada iyo injineerada inaga soo horjeeda oo ay leeyihiin aqoon u dhiganta si aan laynoogu  samayn in layna burburiyo.”

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo aanu sidoo kale wax ka waydiinay sida lagu dhamayn karo khilaafka u dhaxeeya xukuumada iyo dadka deegaanka gobolka Saaxil ayaa waxa uu yidhi “Anigu waxaan is leeyahay  shayga ugu muhiimsan waa inuu yahay in heshiiska la cadeeyo oo laysla fahmo, dawladuna dadka ay u shaqaysaa  oo ay u adeegtaa markaa waa in dadka loo cadeeyo  oo la tuso  oo la  qanciyo loona soo bandhigo oo ay arkaan, waxaanan leeyahay dadka hala qanciyo oo hala tuso waxyaalaha loo baahan yahay ee aan hore u soo sheegay, haddii aad dawlad joogtana kacdoonadu waagii baryaba way joogaan dawladuna iyada ayaa taqaana siday u xalinayso laakiin waa wax looga baahan yahay ninka masuulka ah sidii uu u xalin lahaa.”

Sidoo kale Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ka waramay  arinta saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada Somaliland waxaanu yidhi “Saami qaybsiga waxaan u arkayaa inaanay ahayn arin dadka kala kaxaysa oo kala firdhisa, umana baahna marna guddi iyo kolba qolo loo saaro, waa arin u baahan go’aan, xisbiyaduna iyaga ayaa tartamaya oo doonaya inay baarlamaanka soo saaraan waxa loo baahnaa inay go’aan ka gaadhaan, madaxweynuhu waxa uu u soo bandhigay inay go’aan ka soo gaadhaan waanay ku celiyeen, waxaanan u arkaa in madaxweynaha iyo cida kale ee ay ka fursan waydaa ay gasho, inkasta oo ay xisbiyadu xaq u lahaayeen inay go’aan ka soo gaadhaan oo ay la yimaadaan wixii ay heshiis ku yihiin hadana waa in arintaas go’aan laga gaadho si aanu murankaasi u sii jiitamin, saamayna ugu yeelan doorashada.”

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa  ka waramay sida lagu dhamayn karo saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada waxaanu yidhi “Waa laba dariiq oo horta aniga ima hortaalo waana wax go’aan u baahan markaa rayi maaha, go’aankaasi ha qadhaadhaado ama ha macaanaado waxay u baahan tahay ama wixii hore ee jiray in la ansixiyo oo laysla qaato oo cidii  kale ee lagu qancinayo lagu qanciyo ama in go’aan la gaadho oo wax ka badalan la keeno, waayo waxa la aqbalay oo cid waliba aqbashay cabitankii yimid, markii hadii cabatinkii la aqbalay talaabadii la qaadi lahaa ee lagu sixi lahaa ayaa loo baahan yahay, ninkii cabatinka soo gaadhayna hadaanu aqbalina waxa loo baahan yahay inuu ka jawaabo, laakiin anigu ma ihi kii ka jawaabayey.”

Dhinaca kale waxa uu si kooban uga hadlay wada hadaladii u dhaxeeyey isbahaysiga xisbiga Kulmiye iyo xisbiyada mucaaridka ah waxaanu yidhi “Wadahadalladu sidoodii ayey u socdaan Xisbiga Waddani oo kaliyaa lamaanu hadlayn ee labada xisbi ee mucaaridka ahba  wadda hadallo ayaanu u furnay  guddi ayaanu u magacawnay, guddidiina waa sidoodii wada hadalkiina way wadaan walina wax natiijo ah lama gaadhin”

Sidoo kale waxa uu ka waramay sida uu u arko xubnaha shaaciyey inay ka baxeen isbahaysiga xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi “Isbahaysigu xisbi maaha ee waa koox fikirka wadaaga, marka qaar waxay odhan karaan fikir kale ayaan qaatay qaarna fikirkii isbahaysigu qabay iyo aragtidii siyaasiga ahayn way qaadan karaan, markaa xisbi la galo oo laga baxo maaha ee waa aragti, anaguna aragtidaas ayaanu ku midawnay  aragtida sidaan anigu ka war hayo 90% ama 95% intii aragtidaas ku midawday maalin walba waanu is aragnaa oo wax iska badalay maan arag.”

Xirsi Cali Xasan waxa uu sidoo kale ka hadlay sida uu u arko wareegtooyinkii uu gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ku shaaciyey inuu xilkii xisbiga kaga qaaday qaar ka mid ah xubnaha isbahaysiga xisbiga Kulmiye waxaanu mar kale yidhi “Hore ayaan uga hadlay labada gudoomiye ku xigeen ee Muuse Biixi ku xigay ee uu yidhi shaqada ayaan ka qaaday inaanay dariiq sax ah ahayn inuu shaqada ka qaadi karo,  waayo waxa jirta in xilalka waxna la magacaabo waxna waa la doortaa, qofka la magacaabo waa la eryi karaa qofka se la doorto waxa loo maraa dariiq xil ka qaadis ah, markaa haddii ay is-afgaran waayaan waxa fiican in golaha dhexe fadhiisto oo cod ka soo saaro, ninna  ku xigeenkiisa ma eryo ee dariiq xil ka qaadis ayuu maraa,  sida la yaqaano madaxweyne ku xigeenka  inaan madaxweynuhu  eryi Karin ee labada gole ee baarlamaanka ayaa eryi kara, markaa sidaas oo kale golaha dhexe ee xisbigu waa baarlamaanka xisbiga iyagana ayaana xilka iyo xasaanadda ka qaadi kara laakiin golaha fulintu way dacweyn kartaa ama waxbay ku anshax marin kartaa  haday dhacdo, laakiin xilka waxa u doortay shirweynaha waxaana ka qaadi kara oo kaliya  golaha dhexe.”

Ugu danbayn waxa uu fariin u diray guud ahaan shacabka somaliland waxaanu yidhi “Dadka waxaan u dirayaa inay isku duubnaadaan,  duruufaha geeska iyo mandaqada oo aad mood in wadcigeedu soo adkaanayo  waxaan aad ugu dardaarayaa ilaalinta nabad galyada,  iskuna duubnaano, duruufaha mandaqada ka jirana sidii aynu mucaarid, muxaafid, dawlad iyo shacabka sidii layskga kaashan lahaa in la sameeyo.”

Comments are closed