|

Wasiirkii Hore Ee Hawlaha Guud Oo Ka Dayriyey Sida Sicir-bararka Dollarku Uu U Naafeeyay Nolosha Ciidammada Iyo Shaqaalaha Dawladda

Hargaysa 29. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, imikana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka dayriyey Xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammada kala duwan ee Somaliland.

Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlayey sida uu nolosha Bulshada Somaliland u dhibaateeyay Sicir-bararka Lacagta Dollarka, ayaa sheegay in Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammadu ay dhibaato xoog leh oo dhanka Nolosha ah ku sugan yihiin xilligan, maaddaama buu yidhi Qofkii Mushahar ahaan u qaata Hal Milyan oo Shilin aanu waxba uga goynin Suuqyada Dalka, maaddaama oo Raashinka iyo waxyaabaha kale ee Quutal-daruuriga ah lagu iibiyo Dollarka Maraykanka.

 

Cabdirisaaq oo la hadlay Telefiishanka Somali Cable, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya waajibaadka Xukuumadda ka saaran wax ka qabashada Sicir-bararka wuxuu yidhi “Wax ka qabashada Sicir-bararku Maaha Arrin u baahan Amarro Qayaxan oo keliya, ee waa Arrin u baahan in si Deggan oo cilmi ah wax ka qabasho leh loo waajaho. Xukuumadda ayuu Xil ka saaran yahay Arrintaasi, waxyaabo ka badan oo ka liita oo aan Ummadda dan u ahayn ayay Wakhtiga ku lumisaa, oo ay kaga mashquuleen Shaqooyinkoodii.”

Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu aaminsanahay in Wax ka qabashada Sicir-bararku tahay waajib Dushooda saaran inay u soo jeedsadaan, markaa waa inay u soo jeedsadaan waajibka ka saaran Dadka danyarta ah, ee ka saaran Dadka Abaaraha ku waxyeeloobay ee aan waxba haysan, ee ka saaran Shaqaalaha Dawladda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ciidammada iyo Shaqaalaha Dawladda marka la isku daro waxay ku jiraan nolol aad iyo aad u liidata, Waayo? kii Hal Milyan qaadanayey Boqol dollar u goyn mayso, Bakhaarka Raashinka markuu tagana waxaan Dollar ahayn laga qaadan maayo.”

Comments are closed