Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud oo Furay Hoosada Gaadiidka Dawlada kana hadlay dareenkiisa ku aadan Isku Shaandhayntii Madaxweynuhu sameeyay
Hargaysa 25.June (SDN) Wasiirkii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta Xadhiga ka Jaray Hoosada Gaadiidka ee Wasaaradaasi oo dib u dhis balaadhan lagu sameeyay.
Munaaasibad kooban oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradaasi isla markaana ay ka qayb galeen madax iyo mas’uuliyiin ka tirsan laamaha wasaaradaasi ayaa waxaa Warbixin ka soo jeediyay Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Cabdi C.laahi Dagaal oo faah faahin ka bixiyay dib u hagaajinta hoosaada gaadiidka waxaanu sheegay in qorshihii dib u dhiska hoosadani uu ahaa Mid ay Xukuumadu Iskaashi kala Samaysay Mashaariicda Hay’ada USIAD.
Wasiirkii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud haatana loo Magacaabay La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Mudane Axmed Cabdi Xaabsade ayaa si rasmi ah ugala Wareegay Hay’ada DAI ee Gacanta ku haysay dhamaystirka Mashruucan dib loogu hagaajiyay Hoosada Gaadiidka ee Wasaarada Hawlaha Guud,isagoo ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta hoosada gaadiidka dawladu ay furan tahay isla markaana aan gaadiidka dawlada la dhigi Karin Geerashyo gaar ah.
Mudane Xaabsade waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uga Mahadceliyay Isku shaandhayntii uu ku sameeyay Xubnaha Golaha Wasiirada,inkastoo uu hoosta ka xariiqay inuu ka fikirayo Jagada loo magacaabay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com