|

Wasiirkii hore ee DFKMG ah ee Soomaaliya oo shir jaraid ku qabtay Buuhoodle

Buuhoodle Jan 16,2012(qurbejoog.com)-Wasiirkii hore ee DFKMG ah ee Soomaaliya Md Cabdikariim Xasan Jaamac ayaa maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Buuhoodle.

Cabdikariim ayaa waxa uu ka waramay xaalda magaalada Buuhoodle iyo dagaaladii dhawaanta ka dhacay halkaa.

Wasiirka oo ka mid ahaa ergadii shirku uga socday Taleex,isla markaana si weyn ugu soo horjeeda qadiyada Somaliland.

Cabdikariim Xasan Jaamac ayaa shirkiisa Jaraaid ku sheegayKama warhayno khasaarihii gaaray dhinaca kale laakiin waxaa naloo sheegay in uu gaaray khasaaro badan oo aanan sahlanayn, waxaan jecelnahay in ay intaasi ku ekaato hadii ay ka waantoobaan,Waxaa nagu maqaalaa in ciidamada Soomaaliland ay wali ku suganyihiin qaybo ka tirsan gobalada Sool Sanaag iyo Cayn waxaan ugu baaqaynaa in ay ka baxaan hadii ay ka bixin waxaa looga saari doonaa si aysan ku farxin,warsaxaafadeed looma baahno in dowladu ay ka soo saarto meel lagu xasuuqayo dad shacab ah waxaa loo baahanyahay waxqabad la tilmaami karo oo la mid ah midkii maalin dhoweyn laga geestay magaalada Beledweyne “ayuu hadalkiisa ku yidhi wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta ee DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Qurbejoog-Buuhoodle

contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed