Wasiirkii Hore ee Caddaalada oo soo Taxay Haddimooyinka Guul daro ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi Ku Hogaamiyeen Kulmiye DAAWO
Hargaysa 14.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka Mudane Xuseen Axmed Caydiid oo Ka Mid ahaa Xubnihii Wasiiradda ahaa ee Iska Casilay Xukuumadda Somaliland oo Kulan Warbaahineed Maanta Ku qabtay Caasimadda dalka ee Hargaysa ayaa soo taxay dhacdooyinkii Guul darada ahaa ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi ku Hogaamiyeen Qabsoomidda Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ee lagu doortay Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Xisbigaas u Metelaya doorashooyinka Madaxtinimo ee la filayo inay Somaliland ka dhacaan Horaanta Sannadka 2017.