Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Meel adag iska Taagay Heshiis dhex mara Isaga Iyo Murashax Muuse Biixi DAAWO
Hargaysa 11.October 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr.Maxamed Biixi Yoonis Isla markaana ahaa Hogaamiyihii Garabkii Isbedel doonka Xisbiga Kulmiye ee la midoobay Xisbiga Waddani ayaa faah faahiyey ahdaafta guud iyo mabaadii’ da ay isla qaateen Xisbiga WADDANI.
“Waxa aanu ku raacnay Xisbiga WADDANI, waa mabaadii’ aanu isla qaadanay oo halkaas ku qornay, hawlahaas culus ee wadanka lagu badbaadinaya na waxa aanu galnay in aanu Xisbiga WADDANI ku dhaqmaan, fikrad cusub aanu u keeno, hoggaankeeda aanu wax maamulno, tallo la wada lee yahay oo ka gedisan tii hore ee juujuub ka ahayd in aanu maanta ku soo biirno.”.Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.