|

Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi oo Saaka Hargaysa ku soo Laabanaya Fariina u Diray Taageerayaashiisa Si aanay u soo dhawayn!!

Hargaysa 14 January, 2016 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Wasarradda arimaha dibadda Dr Mohamed Biihi Yoonis oo dalka dibadiisa ku maqan loona balan sanaa in Saaka oo Khamiis ah lagu soo dhoweeyo magaalada Hargeysa ayaa baajiyay soo dhoweyntiisa waxana uu Mas’uulkaani fariin wargelin ah u diray taageerayaashisa isagoona ugu baaqay inay ka qayb galaan Aaska rabi haw naxariistee Abwaanki weynaa Cali Sugule Duncarbeed oo Saaka laga soo Dejinayo Garoonka Cigaal International Airport ee Caasimada Hargaysa Iyadoo laga soo qaadayo Magaalada Shaariqa ee Dalka Isu taga Imaaraadka Carabta oo ahayd Halkii uu Ku Geeriyooday.

maxamed biixiWasiirkii Hore ee Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa Qoraal uu Warbaahinta u soo diray Wuxuu Taageerayaashiisa ugu baaqay in Soo dhawayntiisa Joojiyaan kana qayb galaan  aaska Marxuun Abwaan Cali Sugule Cigaal Dun Carbeed Waxaanu qoraalkiisa Ku Yidhi “Dhammaan taageerayaashii isku diyaariyay, soo dhawaynta Maxamed Biixi Yonis maalinta Khamiista 14/01/2016 10;00AM, Waxaa lagu war-galinayaa in ay ka qayb-galaan Aaska Alle s.w.c haw-naxariistee Abwaankii waynaa ee Cali Sugule oo isna la keenidoono 14/01/2016 9:00am.

Markaa Soo dhawayntii waa la joojiyay, si aan uga wada qayb-qaadano, Aaska Alle s.w.c haw-naxariistee Abwaan Cali Sugule.

Inaalillaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

 

Comments are closed