|

Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibada Somalia oo Loo dhaariyay Xubin ka Tirsan Baarlamanka Somalia DHAGAYSO

Muqdisho 29.March 2014 (SDN):- Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan Wasiirkii hore ee Arimaha dibada Somalia Ra’isal wasaare xigeena ahayd ayaa maanta si Rasmi ah uga mid noqotay Baarlamaanka Somalia. Waxay buuxisay booska Ismaaciil Xasan Jaamac oo hore uga mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka.

Foosiya Yusuf Xaaji AadanMarwo Fowsiya ayaa ka mid ahayd Wasiirada ugu firfircoonaa Xukumaddii Ra’iisal Wasaare Saacid ee Baarlamaanku riday, iyadoo Wadamo badan oo dibada ah safaro ku galaa bixisay.

“Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay inaan xilkayga u gudan doono si ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana aan dhowro dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka,” ayay ku dhaaratay Marwo Fowsiya.

Fowsiya ayaa ku soo biiraysa Baarlamaanka oo dhawaan uu furmay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Somalia.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO DHAARINTA MARWO FOOSIYA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DhaarintaFoosiya.mp3″]
Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed