Wasiirkii Hawlaha Guud ee Soomaaliya Cabaas Siraaji Oo Goor Dhawayd Lagu Toogtay Magaalada Muqdisho, Meel aan Wax badan Ka Durugsanayn Madaxtooyada Villa Soomaaliya & Aragtida Xukuumadda Somalia
Muqdisho 03. May 2017 (SDN/QJ):-Waxaa goordhaw agagaarka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya lagu dilay Wasiir katirsanaa xukuumada Federaalka Soomaaliya sidoo kale kamid ahaa Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ee lagu soo doortay magaalada Kismaayo.
Sida aan Wararka ku helnay Wasiirka la dilay oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa lagu magacabaa Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji oo ahaa Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya .
Wasiirka ayaa la sheegay in ay dileen ilaalo la socotay gaari nuuca loo yaqaan Hilux uu la socday masuul katirsan dowlada Soomaaliya , Wasiirka ayaa xiliga la dilayay watay Gaari Prado ah oo daba socday gaariga dilka ka dambeeyay
Dad ka agdhawaa halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in ilaalada gaariga hubeesan ay rasaas ku fureen gaariga uu la socday Wasiirka oo ka agdhawaaday, waxaana wasiirka haleeshay rasaastii lagu furay gaarigiisa.
Madaxda Qaranka ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji oo caawa fiidkii xabad gaarigiisa lagu furay darteed u geeriyooday.
Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxaya oo iftiimaya lahaana mustaqbal ifaya. Marxuum Cabaas waxuu tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, madaxda Qarankana aad bey ugu hanweynaayeen.
Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng. Yarisow ayaa yiri “Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa shaqsi dhalinyaro ah oo si aad ah uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Waxuu ahaa shaqsi leh mustaqbal wanaagsan. Waxuu ka mid ahaa dhalinyaradii xerada Qaxootiga Dhadhaab ku soo koray oo wax ku soo bartay, ka dibna dalkiisa hooyo dib ugu soo laabtay si uu waddanka wax ugu qabto.”
Madaxda Qaranka ayaa dhammaan shacabka ka codsaday inay murugada naxdinta leh la qeybsadaan qoyskii marxuumka iyo dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu u ahaa tusaale fiican oo aad uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Wasiir Cabaas maanta ayuu Muqdisho ku daahfuray Mashruuca Tayeynta Shaqaalaha oo uu maalgelin uga soo helay Bankiga Horumarinta Afrika.
Innaa Lillaahi wa Innaa Illaahu Raajicuun, Geeridu waa xaq, Wasiirkii Howlaha Guud waqtigiisa ayaa dhamaaday, falka geeridana baaris baa lagu sameyn doonaa oo shacabka lala wadaagi doonaa sida wax u dhaceen.