|

Wasiirkii Cafimadka Oo Xadhiga Ka Jaray Cusbitaalka Salaxley halkan ka daawo

Sallaxley 09.June {SDN) Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamed Maxamud Xoog ayaa  Xadhiga ka jaray Cisbitaal laga hirgaliyay Degmada Sallaxley.

Xadhig ka jaristan waxaa ka qayb galay Madax kala duwan oo ka socotay Xukuumada Somaliland Sida La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka iyo Axsaabta Maxamed Muuse Abees,Saraakiil ka socotay Hay’ada Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo Marti Sharaf kale.

Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Sallaxley  Naasir Cabdi Iimaan ayaa Wasiirka iyo Xubnaha la socday Warbixin ka siiyay Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha Cisbitaalkani isagoo u Mahadceliyay Haweenka Ururka Gaaroodi oo door Mug leh ka qaatay Hirgalinta Cisbitaalkan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Xubno ka mid ah Ururka Haweenka ee Gaaroodi oo tilmaamay in Cisbitaalkani uu bulshada degmadaasi ka furan doono baahi dhinaca caafimaadka ah

Comments are closed