Wasiirkii Cadaaladda oo Xilkii Wareejiyey,Wasiiradii Iscasilay oo ka soo Xaadiray iyo Dareenkii Madasha DAAWO
Hargaysa 01.Nov 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Cadaalada somaliland Axmed Cadare ayaa Maanta Xilkii Wasiiro Kala wareegay Xuseen Axmed Caydiid,iyada oo isla Madashana Xilalka Ay kula Kala Waregeen Labada Wasiir ku Xigeen ee wasaarada Cadaalada.
Munaasibada Balaadhan oo Kulmisay Bahda Cadaalada Wasiirada Xukuumada iyo Musharaxiinta Kulmiye ku dhex tartamaya Loona Soo agaasimahay Si heer saraysa ayaa Wasiirada iyo ku xigeenadu xilalka Kula Kala waregeen,waxaana goob-joog ka ahaa Haay’addaha Dhinac Cadaalada Ka caawiya Wasaarada iyo Taliyayaasha Badaha iyo Asluubta Somaliland.
Agaasimaha Cadaalada Somaliland oo isagu Madasha ka hadlay ayaa ka shekeeyay Waxqabadka ay wasaaradu ku talaabsatay inta uu xilka hayay Xuseen Axmed Caydiid waxaana uu cadeeyay in Laga soo qaaday Seeska Lana Keenay Meel Laga arki kari in ay shaqaalaheedu tayaysiin yihiin Shaqadana laga rawaxo Labada Duhurnimo taas oo keentay in ay Wasaarada Noqoto mid tayaysan.
Hay’addaha La shaqeeya wasaarada ee Dhanka Cadaalada oo iyaguna Madasha Goob-joog ka ahaa Sagootiyayna Wasiir iyo ku xigeenkiisa ayaa cadeeyay in Shaqadu iyo sunaha dawlad-nimo yahay in Wasiirada la Badalo Si ay shaqadu u wanaagsanaato,iyaga oo Bisayl Shaqana u muujiyay wasiirka Cusub ee xilka la wareegaya.
Munaasibada Xil Wareejinta ayaa dhanka kale Waxaa ka qayb galay Xubno ka mid ah Wasiiradii dhawaan iska casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Madaxtooyadda,Arrimaha Dibadda,Hawlaha Guud,Wasiir ku Xigeenkii Wasaarada Dib u dejinta,Murashax Axmed Cabdi Kijaandhe.