|

WasiirkaCusub ee Warfaafinta Oo ka hadlay Dareenkiisa xilka loo magacaabay “Waxaanku faraxsan nahay in xil, xilkii kaculusna la ii dhiibay” “IntiiAwoodayda ah Inaan ku dedaaloGacan-qabashadda iyo korinta saxaafadda ayaa iga go’an”

HARGEYSA (SDN)- Wasiirka cusub ee WasaaraddaWarfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir, ayaaka hadlay  cilaaqaadka uu la yeelan doonosaxaafadda madaxa banaan ee dalka.

Wasiirka Warfaafinta oo galabta u waramayay Somaliland.Org,waxa uu ka hadlay dareenkiisa ku wajahan xilka Wasiirnimo ee looga dhigaywasaaradii uu Wasiir Ku xigeenka ka ahaa, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxauu yidhi  “Walaahay Dareenkaygu wuuwanaagsan yahay, awalba ka mid baan Golaha Wasiirrada oo xubin baan ka ahaa,Wasaaradda Warfaafintana waan joogay, laakiin waxaan ku faraxsan nahay in xil,  xilkii ka culusna la ii dhiibay. Waa  masuuliyad I fuushay’e waxaan ILAAHAY kabaryayaa inuu masuuliyadda igu asturo.”

Wasiir Cabdilaahi Cukuse oo aan weydiinay sida uu ulashaqayn doono saxaafadda madaxa banaan waxa uu yidhi “Saxaafadda ka mid baanahaa, kamid baanan ahay, waxaan ku dedaalayaa saxaafadda dawladda iyo ta madaxabanaanba  inta waajibkeena ah  wixii igaga beegan koriinkooda iyo gacanqabashadooda,  midayntooda iyowacyigelintoodaba  inaan wax ka qabtointii awoodayda ah ayaa iga go’an.”

“Waxaynu yeeli doonaa inaynu isu wada nimaadno oo iyagana(saxaafadda) aynu dhegaysano oo dabadeedna aynu noqono kuwo mihnadda saxaafaddasharafteedana dhawra, qawaaniinta iyo shuruucda dalka iyo dawladnimaddanaixtiraama, bulshadana ka caawiya dhinacooda horumarka ay bulshadu baadigoobayso,”ayuu yidhi Wasiirka cusub ee Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta.

Wasiirka oo la weydiiyay inuu wax ka tilmaamo qorsheyaashauu ugu tallo galay inuu kaga hawl-galo horumarinta warbaahinta qaranka, waxa uuyidhi “Wasaaradu qorshaheedii sanadka ee u dejisnaa  sidii  ay u socotay ayay u wadaysaa, wixii kale eeduruufta iyo  wada tashiyada wasaaraddadhexdeeda ka soo baxana waynu ku daraynaa waxaanan rajaynayaa inaanu guntigadhiisha iskaga dhigno waayo dedaal ayaa ina faran.”

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed